Webmaster

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjire Qin Jian oo Shiinaha u Fadhiyay Muqdisho SAWIRO

Muqdisho 16. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqaddaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiisan doonna Soomaaliya. Mudane Qin Jian ayaa dhowaan dowladda Shiinaha u soo magacowday Danjiraheeda Soomaaliya isagoo bedelay danjirihii hore. Madaxweyne Farmaajo iyo danjire Qin Jian ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah…

Read More

Ambassador Gaaruf Muu Abbaarin Xaqiiqada Iyo Waxa Keenay Sarrif Bararka – Qalinka: Cabdiraxmaan Cadami

Hargaysa 16. April 2017 (SDN/QJ):- Tixraac maqaal ku soo baxay wargeyska Foore cadadkiisii 1095, kuna taariikhaysan 10-04-2017. Maqaalka waxa soo qoray Ambassador Rashiid Gaaruf wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka. Qoraalku wuxuu si faahfaahsan uga hadlayaa doorka Baananka Dhexe gaar ahaan ka Somaliland ku yeelan karo dhaqaalaha dalka, sarrifka lacagaha iyo adeegyo kale oo badan. Waxa…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In saacadaha Soo Socda Ay Go’aamo adag ka Soo Saarayso Colaada Ka Socota Gobolka Sool ee u Dhaxaysa Beelaha Qayaad iyo Ba’harrarsame SAWIRO/DAAWO

Laascaanood 15. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaaminaya Wefti balaadhan oo ka socda Dawladda oo ku sugan gobolka Sool ayaa shaaciyey in Xukuumaddu ay saacadaha soo socda go’aamo adag ka soo saarayso Colaada ka socota koonfurka gobolkaasi ee u dhaxaysa beelaha Qayaad iyo Ba’harrarsame.   Wasiir Maxamuud Xaashi…

Read More

Nuxurka Shan Qodob oo Madaxweyne Farmaajo Ka Codsaday Dhaxal Sugaha Imaaraadka Iyo Jawaabta uu Ka Bixiyey

Abu-dhabi 15. April 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay shan qodob oo uu madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka codsaday dhaxal sugaha Imaaradda Abu-dhabi  iyo ku xigeenkaTaliyaha ciidamada dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed, oo uu toddobaadkii hore kulan kula yeeshay magaalada Abu-dhabi ee dalkaas. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo diblomasiyadeed oo xogogaali,…

Read More

”Waa Inaan la Dhayalsan Hadaladii C.laahi Jawaan ee ahaa in Taladii Waddanku Gacanta u gashay Cid aan Loo Dooran” Prof Buubaa

Hargeysa 15. April 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka, kana tirsan Xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay is casilaadii la taliyihii Madaxweynaha ee dhinaca Doorashooyinka Cabdilaahi Jawaan, waxaanu tilmaamay inuu gar u leeyahay is casilaadiisa madaama uu arkay waxyaabo badan oo khaldan, waxaanu xusay in aan la…

Read More

Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani oo Sheegay inay Xasaanadii Kala Noqdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland & Asbaabo uu soo Bandhigay DAAWO

Hargeysa 15. April 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo Kulan Saxaafadeed Maanta Ku Qabtay Magaaladda Hargaysa ayaa Sheegay inay Kalsoonidii Kala Noqdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iiman. https://www.youtube.com/watch?v=fwDNkUrlEsk  

Read More

Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo Eedayn u Jeediyey Laba Sarkaal oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,Si Gaar ahna u Sheegay inay Dhaq Dhaqaaqooda la Socodaan DAAWO

Hargeysa 15. April 2017 (SDN/QJ):- Taliska Sare ee Ciidamadda Booliska Somaliland ayaa Maanta iska Difaacay eedo uga Yimid Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani gaar ahaan Suldaan Daakir oo Taageera Xisbiga Waddani oo Sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamud Siilaanyo inaanu Hogaaminta Qaranka maamulin. https://www.youtube.com/watch?v=yLb-rYzueSw

Read More

Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo Ka Hadlay Sicir Bararka Xadhkaha Goostay ee ka Taagan Somaliland Iyo Xal la’aanta Xukuumadda DAAWO

Hargeysa 15. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay sicir bararka iyo qiimaha sarifka ee cirka isku shareeray, waxaanu sheegay inuu ka garaabayo cabashada dadka ee dhinaca sicir bararka iyo qiimaha sarifka. “Cabashada dadweynaha waanu ka garaabaynaa, waxaana dhab ah inaynu nahay dal cudur ah, oo aan wali aqoonsi…

Read More

Wasiir Yuusuf Garaad oo La Weydiiyey Su’aal Ku Saabsan Inuu isku Hayn Kari Waayay Toban Qof oo Shaqaalaha BBC ah & Siduu uga Soo Baxayo Hawsha Culus…DAAWO

Muqdisho 15. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa La Weydiiyey Su’aal ku Saabsan in Mudaddii uu Maamulaha ka ahaa Idaacada BBC Laanteeda Afka Somaliga inuu Maamuli Kari waayay Toban Qof oo ka Shaqeeya Iyo Xujada maanta hor taala ee Isaga oo ku Guul daraystay Murashax Madaxweyne inuu ka Soo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaarka Mida Shacbiga Caasimada ku dhaqan la tukaday Salaadii Roobdoonta SAWIRO

Hargeysa 15. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo ayaa qaar ka mida dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa  maanta salaadii roob-doonta kula tukaday Hargeysa Stadium.   Iyadoo maanta oo sabti ah guud ahaan dalka laga tukaday salaad roobdoon ah oo uu hore u iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, iyadoo…

Read More

Lacago ay iska soo aruuriyeen Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo lagu wareejiyay Guddiga Abaaraha

Muqdisho 15. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa maanta lacag ay ay iska soo aruursheen Ciidanka Milatariga Soomaaliya ku wareejiyay Guddiga gurmadka Abaaraha. Lacagta uu Guddiga Abaaraha ku wareejiyay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa gaareysay $51,000 (Konton iyo kow kun) oo dollarka Mareykanka ah, waxaana lacagtan laga jaray Mushaaraadka ciidankka…

Read More

Magaalo Ku taala Soomaaliya Oo Laga Mamnuucay Koox Diimeedka Cusub Ee Al Saadicuun Bil-Xaq

Nugaal 15. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne oo maanta Warbaahina la hadlay ayaa shaaciyay in magaalada Garawe iyo guud ahaan gobolka Nugaal laga mamnuucay Koox Diimeedka la magac baxday Al Saadicuun Bil-xaq. Waxa uu Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ku baaqay in tilaabo deg deg ah laga qaado dadka katirsan Koox Diimeedkan cusub…

Read More

Dagaal adag oo Dhex Maray Koox Harimacad ah iyo Ciidanka Booliska ee Degmada Wajaale

Wajaale 15. April 2017 (SDN/QJ):- Koox Harimacad dagaalansan ah ayaa weerar ku soo qaaday magaalada Wajaale,  waxaanu dhaawacay hal askari oo ka mid ahaa ciidan isku dayaayay inay gacanta ku soo dhigaan. Ciidamada booliska ee Wajaale ayaa daboolka ka qaaday inay qabteen saddexdaas harimacad mid ka mid ah isla markaasna ay ku dab jiraan labadii…

Read More

Shirka Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka Somalia oo looga hadlay Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dardargelinta howlaha dowladda

Muqdisho 15. April 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha, iyo dar-dargelinta howlaha dowladda. Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in golaha looga fadhiyo dardargelinta amniga,…

Read More

Dollarka Oo Baa’biiyey Lacagtii Dalka, Noloshii Shacabka Oo Cidhiidhi Gashay, Amaawiirtii Xukuumadda Oo Beenoobay Iyo Dardaaranka Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 14. April 2017 (SDN/QJ):- Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa weli Xal la’ Xakamaynta Sicir-bararka Lacagta Qalaad ee Dollarka, waxaana Maalinba Maalinta ka dambaysa sii kordhaya Qiimaha lagu Sarrifo. Suuqyada Somaliland, ayaa Toddobaadkan waxa boqolka Dollar ee Maraykanka ah lagu lagu sarrifanayaa Lacag dhan 900,000 kun oo Shilin, halka marka Qofku uu Shilinka Sitana uu…

Read More