Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Waddani ayaa lafo guur dheer kadib waxay ka hadleen qorshaha xukuumadda Somaliland ku doonayso inay Dalka Imaaraadka Carabta Saldhig Ciidan ka siiso magaalada Berbera.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Mudane Maxamed C.laahi Uur Cade ayaa soo bandhigay Mawqifka Xisbiga Waddani ee Saldhiga Mileteri ku aadan.
