|

Wasiirka Biyaha Oo Kulan La Qaatay Waxgarad Iyo Madaxdhaqameed Ku Bogaadiyay Shaqada Uu Qaranka U Hayo+Sawiro

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Khayraadka Biyaha Mudane Baashe Cali Faarax ayaa Maanta Kulan la Qaatay Madax dhaqameed iyo Dhallinyaro kala duwan, Kulanka Waxa Gadhwadeen Ka Ahaa Wasiirka Khayraadka Biyaha,Mudane Baashe Cali Jaamac,

Dhanka kale waxaa goob jog Ka ahaa Madax dhaqameed Kala gedisan,Masuuliyiin,Aqoonyahan Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiirul Dawlaha Wasaarada Biyaha, Mudane Mahdi Cismaan Buuri, Suldaan Siciid Yusuf X Ducaale, Suldaan Carab Cabdi Cali, Jiif Caaqil Cali Xirsi, Ku-Simaha Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Khayraadka Biyaha, Mudane Maxamed Faarax, Xildhibaan Saleebaan Diiriye, Cabdi Musbaar, Aqoonyahan, Dhalinyaro, Waayeel Iyo Rag Kale Oo Badan,

Kulankaasi Ayaa Waxa Taageero Wayn Loogu Muujiyey Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Mudane Maxamed Faarax waxaana uu qayb ka yahay Dhiirigelinta Loo Muujinayay Mudooyinkii u danbeeyey Wasiirka Biyaha Oo Dardargeliyay Wasaaradaasi Tan iyo Intii xilkaasi loo Magcaabay isagoo Guntiga u Xidhay Sidii uu Bulshada Somaliland U Gaadhsiin Bahiyaha Biyood ee Laga tebayo dhamaanba Gobolada Kala duwan ee dalka Bari Ilaa Galbeed

Waxaa xusid Mudan Intii Wasiirka Biyuhu Xilka Wasaaradaasi hayay inay Dalka ka bilaabmeen Qodista Ceelashii ugu badnaa ee biyo looga saarayo Dhulka Oomanaha ah ee Somaliland.

15219392_205898736484424_4155413481756712306_n 15253602_205898909817740_810401726536259675_n 15326365_205898976484400_6734645465295847877_n 15337476_205899059817725_8257949432215885662_n 15337662_205898783151086_1889424730944583258_n 15355660_205899099817721_5268404663300386045_n

Comments are closed