Ujeedada Kulan Hadhimo Sharafeed ah oo Guddoomiye Cirro uu Magaalada Hargeysa ugu Wada-Sameeyey Hoggaanka Xisbiga iyo Bahweynta Siyaasiyiintii Dhawaan Ku Soo Biiray WADDANI+SAWIRO
Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hadhimo sharafeed aad u ballaadhan u sameeyey garabaddii Isbahaysiga dimuqraadi doonka KULMIYE, siyaasiyiintii uu horkacaayey Ismaaciill Hurre Buubaa ee Koonfurta Hargeysa iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan ku waasi oo dhammaantood maalmo ka hor ku soo biiray Xisbiga mucaaradka ah…
