Madaxweyne-Ku-Xigeenka JSL & Kormeerkiisa Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa Ee Ka Socda Biyo Shiinaha SAWIRO
Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL oo ay wehelinayaan maareeyaha wakaalada biyaha, maayarka caasimada Hargeysa, gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, xubno ka kooban golaha wasiirada iyo masuuliyiinka ka socday xisbi xaakimka kulmiye, ayaa kormeeray mashruuca biyo balaadhinta caasimada oo wakhtigan maraya meel muhiima dhawaana la filayo inay shacbiga…
