Waddamada Maraykanka iyo Austraila oo Nooc ka Mid ah Taleefannada Gacanta ka Mamnuucay Diyaaradaha & Sababta Keentay
Washington 11.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waaxda Duullimaadyada Hawada ee dalka Maraykanka, ayaa rakaabka Diyaaradaha ee wata Taleefannada noocoodu yahay Samsung Galaxy Note 7 kula taliyay in aanay daarin oo aanay dabaynin inta ay Diyaaradda la socdaan, maaddaama Cillad dhinaca dabka ahi ku soo baxday Taleefankaas Note 7 oo ay Shirkadda Sumsung dib uga ururinayso Suuqyada caalamka….
