Webmaster

Boorama: Xaflad uu Kulmiye Kula Midoobayo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Maanta loo Balansan yahay,Maxaase ka Jira in Prof Samatar loo Magacaabi doono Xilka Wasiirka Boosaha?

Boorama 14,June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Shalay Gaadhay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Qasdiga Socdaalkiisu ku qotomo soo dhawayn uu Xisbul Xaakimka Kulmiye u samayn doono Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Cadeeyay inuu ku Biirayo Xisbiga Kulmiye. Qabanqaabada…

Read More

Dhallinyaradii ka Qayb gashay Tartankii Abkhaasiya oo Dhaleecayn Xoogan u Jeediyey Madaxda Wasaarada Ciyaaraha Somaliland DAAWO

Hargaysa 14.June 2016 (SDN/QJ):- Dhallinyaradii ka Qayb gashay Tartankii Waddamada aan la aqoonsan ee Abkhasiya ayaa dhaliil Xoogan u soo Jeediyey Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Kadib markii ay Dhaleecaysay dhallintii ka qayb gashay Tartankaas. https://www.youtube.com/watch?v=6VHdRjpqzCE

Read More

Madaxweyne Cabdiweli Gaas & Axmed Cabdi Xaabsade Oo Ka Hadlay Dagaalka Dharkayngeenyo

Garowe 14,June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamul-goboleedka Somalia ee Puntland Cabdiweli Gas iyo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ka hadlay dagaal ku dhex-maray labada beelood ee walaalaha ah deegaanka dharkayngeeyo ee Gobolka Sool, isla markaana waxaty ku baaqeen inay labada dhinac ba joojiyaan dagaalka oo ay qaatan nabada.s Cabdiweli Gas oo warbaahinta Puntland kula hadlay magaalada…

Read More

Filasuufadii jahligu Dilay, Hibataaya, (Xogta Dahsoon) DAAWO

Hargaysa 14,June 2016 (SDN/QJ):- Waa magac naanays ah kaasoo luqadda giriiga ku noqonaya Hibatoos, macnihiisuna yahay qofkii qiimaha iyo qaayaha badnaa, gabadhii ugu horaysay uguna dambaysay uguna caansanayd ee magacaa loo bixyaana waxa ay ahayd Hibataaya oo ahayd aqoonyahanadii ugu horaysay ee haween ah ee wax ku soo kordhisa cilmiga xisaabaadka. https://www.youtube.com/watch?v=4ha1fTlbCvY&feature=youtu.be

Read More

Xiisad ka Taagan Kooxdii Matashay Somaliland Ee ka Qeybgashay Tartankii Dalalka Aan La Aqoonsan DAAWO

Hargaysa 14.June 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda dhalinyarrada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in ay sharciga la tiigsanayso dadkii ku lugta lahaa koox metalaysay Somaliland oo ka qeyb gashay tartan kubadeed oo lagu qabtay dalka Abkhazia, kaasi oo loo qabtay dalalka aan la aqoonsanayn ee caalamka. Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen (Dhabeeye) oo…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Cisbitaalka Guud ku Booqday Dadkii ku dhaawacmay Roobkii Shalay Galab Hargaysa ka da’ay DAAWO

Hargaysa 14,June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Xalay Ku Booqday Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa dadkii Waxyeeladu ka soo gaadhay Roobkii dabaysha watay ee shalay Galab ka da’ay Magaalada Hargaysa. https://www.youtube.com/watch?v=2M6U4lIEQDc&feature=youtu.be

Read More

Magaalada Hargaysa oo uu ka Bilaabmay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan Iyo Tirada Ardayda ee Ka Qayb qaadanaya DAAWO

Hargaysa 14.June 2016 (SDN/QJ):-Waxaa Magaalada Hargaysa Gaar ahaan Masaajidada Sheekh Cali Mataan iyo Rusheeye ka Bilaabmay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee la qabto Bil kasta oo Ramadaan ah. Tartanka Qur’aanka kariimka ah oo sannad kasta la qabto horaanta bisha Ramadaan ayaa shalay ka furmay masaajid Cali Mataan ee magaaladda Hargaysa, tartankaasi oo ay ka qayb…

Read More

Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Inay Qaab Sharci daro ah u Samaysay Sharciyo ku aadan Dhul-daaqsimeed

Caynaba 14.June 2016 (SDN/QJ):- Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka degmadda Caynabo ee xarunta gobolka Saraar, ayaa ku eedeeyay wasaaradda beeraha Somaliland inay sharci beereed u sameysay dhul daaqsimeed ku yaalla degmadda Caynabo waxaanay wasaaradda ugu baaqeen inay ka noqdaan ruqsadahaasi oo ay ku tilmaameen qaar sharci darro ah. Xildhibaanadan oo kala ah Faysal…

Read More

Dhimashada Iyo Dhaawaca uu Gaystay Roobkii Dabaylaha Watay ee Hargaysa ka Da’ay oo Kordhay AKHRI

Hargaysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Wararka hor dhac ah ee ka soo baxaya roobkii Xooganaa ee galabta ka da’ay Caasimada Hargaysa oo watay dabayl ayaa Sheegaya inay Sadex Qof ku dhintay 19 Qofna uu ka soo Gaadhay Dhaawacyo kala Duwani.. Inta badan Xaafadaha Caasimada Hargaysa ayaan Caawa helin Wax Koronto ah Kadib Markii roobku Jaray…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan Deg Deg ah La qaatay Hogaanka Dhaqanka Somaliland iyo Arrimo Xasaasi ah oo laga Wada hadlay DAAWO

Hargaysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa kulan degdega ugu qabtay xubno ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee dalka qasriga Madaxtooyada maanta oo ay taariikhdu tahay 13.06.2016. Kulankan ayaa madaxweynu wuxu ku dirayey ergedii ugu culus ee dalka oo isugu jirta mudanayaal ka tirsan golaha guurtida…

Read More

Hargaysa oo Caawa Bilaa Koronto ah Iyo Khasaaraha ka dhashay Roob dabaylo wata oo Galabta ka da’ay

Hargaysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya roobkii galabta ka da’ay Caasimada Hargaysa ayaa Sheegaya inay laba Qof ku dhinteen Tiro kalena ay ku dhaawacantay kadib roob xoogan oo dabaylo watay oo Galabta ka da’ay Caasimada dalka ee Hargaysa. In ka badan Xaafadaha Caasimada Hargaysa ayaa Waxaa Caawa ka…

Read More

Indian Ocean Newsletter Oo Qarxiyey Siro La Xidhiidha Qorshe Dhagaraysan Oo Ismaaciil Cumar Geelle Kaga Hor Tagayo Heshiiska Dpw Iyo Qaabka Xukuumadda Jsl U Kala Jabinayso Dadka Mucaaridka Ku Ah Heshiiskan

Paris , 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Wargeyska Siraha hoose faafiya ee Indian Ocean News Letter waxa uu shaaciyey qoraal kale oo uu kaga hadlayo xaaladaha gaarka ah ee ku gedaaman heshiiska hordhaca ah ee dhawaan Xukuumadda Somaliland la saxeexatay shirkadda DP World ee ku aaddan maal-gashiga Dekedda caalamiga ah ee Berbera isaga oo sheegay in…

Read More

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo si Buuxda Maalinta Salaasada ee Beri ugu Biiri doona Xisbiga Kulmiye iyo Weydiimaha dul hoganaya

Boorama 13.June 2016 (SDN/QJ):-Waxaa Magaalada Boorama ka socota Qaban qaabada Xaflad Balaadhan oo Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ku soo dhawaynayo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo la filayo inuu Xisbiga Kulmiye si Toos ah ugu Biiro iyadoo loo balansan yahay Maalinta Salaasada in la qabto Xafladaas. Siyaasigan Prof Samatar ayaa Waxay Weli Su’aali dul…

Read More

Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid oo Naqdiyey Doodii Qareenada ee Garabka Faysal iyo Qodobo uu Cuskaday DAAWO

Hargaysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa Naqdiyey Qaabka Qareenada ka socday Dhanka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid inay Awoodii Xisbiga ku soo Koobeen laba Qodob. https://www.youtube.com/watch?v=NDt1fRAI198&feature=player_embedded

Read More

Xiisaha ku Lamaan Su’aalihii ay Gudida Ansixinta Xisbiyada Qaranku Weydiiyeen Labada dhinac ee Khilaafka Xisbiga Ucid DAAWO

Hargaysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): –Waxaa Maalintii Shalay Gudida Diiwaangelinta Iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranku ay Gudo galeen Ka Garnaqista Dacwada Mudada dheer soo socotay ee dhex taala Xisbiga Ucid. Labada Dhinac ee Khilaafku ka Dhexeeyo ayay Madashaasi Su’aalo ku Weydiiyeen. https://www.youtube.com/watch?v=-UauxzwZL8E

Read More

Jamaal Cali Xuseen Oo Wacad Ku Maray Inaanay Doorasho Dalka Ka Dhacayn Hadii Aan Cadaalad Looga Gar Niqin Dacwada Xisbiga Ucid DAAWO

Hargaysa 13.June 2016 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka dareen Celiyay Sida uu u arko Khilaafka Xisbiga Ucid ee ay Garnaqisa ku hawlan yihiin Gudida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka. https://www.youtube.com/watch?v=ZCi67R4caNM

Read More

“Halkan baa Sacab naloogu Tumay iyo Hablahaa I Jecel,Waa la ii footaynayaa Waxaas Murashax lagu Noqon Maayo” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 13.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Mar uu Shalay ka hadlayay Madashii Garnaqa Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen Waxa uu ku celiyey inaanu haba yaraatee Jamaal ahayn Murashax. https://www.youtube.com/watch?v=zGqIcWMg9C0

Read More