Webmaster

Isku Shaandhayntii u danbaysay ee Madaxweyne Siilaanyo ku Sameeyo Golihiisa Wasiirada Iyo Magacyada Safka Hore kaga  Jira

Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu 20-ka bisha Ramadaan Sameeyo isku shaandhayntiisii ugu dambaysay lixdii Sano ee uu hoggaaminayay  Somaliland. Isku shaandheynta Madaxweynuhu sameynayo waxay iskugu  jiri doontaa xil ka qaadis, isku beddel iyo in la magacaabo wejiyo ku cusub siyaasadda Xisbiga Kulmiye iyo Somaliland.   Xogahaha…

Read More

Maamul Goboleedka Puntland Oo Dayacatiraysa Dhismayaasha Qadiimka Ah Ee  Ciidamadii Daraawiishta Maxamed Cabdalle Xasan Ee Ku Yaalla Gudaha Somaliland

Taleex 17,June,2016(SDN/QJ):– Maamul-Gobolleedka Puntland, ayaa sheegay inay dayactir ballaadhan ku sameynayaan dhismayaashii  Qadiimka ahaa ee ay deganaayeen Ciidamadii Daraawiishta ee hoggaaminayay  Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.   Dhismayaashan oo la dhisay muddo hadda la joogo Qarni,  waxaa ay ku yaallaan Degmada Taleex ee Gobolka Xeysimo  Beriga Somaliland, waxaana ka muuqda burbur xoogan oo ay gaadhsiiyeen Diyaaradihiin…

Read More

Telefiishanka AL-JAZEERA Oo U Hiiliyey Shacabka Somaliland,Soona Bandhigay Gabood Faladii Xasuuq ee Ka Dhacay Somaliland DAAWO

Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):-  ‘’DHAMMAANTOOD DIL OO QARI’’: Sidaa Waxa Ciwaan Looga Dhigay Baadhitaan Dheer Oo Telefiishanka Aljazeera English Ku Sameeyay Xasuuqii Dawladdii Siyaad Barre U Geysatay Shacabka Somaliland Siddeetamaadkii. (Baadhitaankan Oo Lagu Baahiyey Barnaamijka Caanka Ah Ee ‘PEOPLE AND POWER’, ayaa soo bandhigay Doorkii Uu xasuuqaa Ku Lahaa General TUKE Oo Hadda Garoon-diyaaradeed Oo…

Read More

Magaalo Muslimiinta Ku Nooli Soomaan Sadex Saacadood oo Keliya iyo Waddanka ay ku Taalo

Cummaan 17.June 2016 (SDN/QJ):- Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa maalmahan baahinayey war sheegaya in Tuulo ku taalla dhinaca koonfur galbeed ee wadanka Cummaan ee ka mid ah dalalka Khaliijka Carabtu bishan Barakaysan ee Ramadaan marka la gaadho laga soomo oo keliya saddex saacadood iyo badh. Waxaa tuuladan oo layidhaahdaa “Wakan” ku nool boqolaal qof, waana meel…

Read More

Xogo Xasaasi Ah Oo Laga Helayo Kiiska Markab Jabuuti Gacanta Ku Dhigtay Oo Ka Dhaxeeya Xuutiyiinta Yemen Iyo Somalia

Jabuuti 17.June 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Waddanka Jabuuti oo garabsaneysa Sirdoonka Waddanka Faransiiska ka jooga dalkaasi ayaa waxa ay wali ku howlan yihiin baadhitaanka Markabkii siday shixnadda gargaar ee u rarnaa Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo la sheegay in ay leeyihiin masuuliyiin ka tirsan maamulka taagta daran ee Magaalada Muqdisho, waddanka Soomaaliya. Kabtanka wada…

Read More

Khasaare Laxaadle Oo Uu Magaalada Badhan Ka Geystay Roob Dabeyl Watay Oo Ka Da’ay, Tirada Dadka Ku Dhaawacmay Iyo Guryaha Dumay

Badhan 17 June, 2016(SDN/QJ): – Ugu yaraan  Saddex qof, ayaa ku dhaawacmay shan iyo soddon gurina waxyeelo ayaa ka soo gaadhay roobab Dabeylo Watay oo ka da’ay Gobolka  Badhan Maalintii Isniinta ee magaalada Hargeysa Roobku Waxyeelada ka geystay.   Dadka ku dhaawacmay Roobka ayaa waxaa lagu daweynayaa Cisbitaal ku yaala Magaalada Badhan.   Guddoomiyaha Gobolka…

Read More

Wadooyinka  Caasimada qaarkood oo weli u xidhan geedihii uu so ridey roobkii dabeysha watay ee Todobaadkan da’ay & Doorkii D.H.H oo aan muuqan Iyo Magacyada 11 School oo uu Jiingadii ka qaaday

Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):-Qaar kamida wadooyinka dhex mara xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa xidhan kadib markii uu roob dabeylo wata   maalintii isniinta ee Todobaadkan  soo ridey Geedo badan oo ku yaal magaalada.   Geedaha dabeysha roobku soo ridey  waxaa ay dhex yaalaan wadooyinkii ay mari lahaayeen Gaadiidka iyo dadku,  arrintaasi oo keentay in wadooyinkii furnaa ay…

Read More

Layaabka Dunida: Hooyo Danyar ah oo Saddex Ilmood Oo Mataano Ah Ku Umushay Cisbitaal Kuyaala Magaaladda Muqdisho Ee Dalka Soomaaliya

Muqdisho 17.June 2016 (SDN/QJ):- Hooyo Soomaaliyeed ayaa saddex ilmood oo mataano ah ku Umushay Cisbitaal kuyaala Magaaladda Muqdhisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Cisbitaalka Suudaaniga ah ee Banaadir. Sida warbixintan lagu sheegay Markii ay Hooyaddani tagtey Isbitaalka Banaadir oo la baadhey ayaa waxaa loo direy inay Kombuuter isa soo saarto waxaana Ehelkeedu u kaxeeyeen Isbitaalka…

Read More

137 Tahriibayaal Itoobiyaan Ah Oo Gaadhi Kula Qalibmay Gobolka Badhan Iyo Xog-warranka Badhasaabka Somaliland Ee Gobolkaa

Badhan, 17 June, 2016(SDN/QJ): – 25 Qof oo Tahriibayaal ah, ayaa ku dhaawacmay Tuulada Cillin ee ka tirsan Gobolka Badhan kadib markii uu la dhacay Gaadhigii ay safrayeen oo ku sii Jeeday magaalada xeebta ee Boosaaso. Gaadhiga waxaa saarnaa 137 qof oo tahriibayaal Itoobiyaan ah oo doonayay inay magaalada Boosaaso ay uga Gudbaan Dalka Yemen…

Read More

Laba Dil oo ka Dhacay Magaalada Laascaanood Iyo Maamulka Gobolka Sool oo Ka Hadlay

Laascaanood 17,June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine,ayaa ka hadlay toogasho laba ruux ku dhinteen oo ka dhacday deegaanka Yeyle ee gobolka Sool iyo nabayanta shaqaaqadii beelaha walaalaha ah ku dhex martay dharkayn  Geeye halka ay u marayso. Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ka dhigay wararka sheegaya in laba beelood dagaal…

Read More

Horjoogayaasha Ururka Alshabaab oo Wakhti Kooban Gudihii kaga Badbaaday Laba Shirqool

Muqdisho 17.June 2016 (SDN/QJ):-  Waxaa soo baaxaya warar sheegaya in Hogaamiyaha guud ee maleeshiyaadka Al-shabaab Axmed Cumar Diiriye (Abuu Cubeyda) uu ka badbaaday tiraba laba shirqool oo dil ah muddo gaaban gudaheed kuwaasi oo la doonayay in lagu khaarajiyo duqayn dhinaca cirka ah oo loo adeegsanayo qalabkii ugu dambeeyey ee casriga ah dunida. Horjoogaha Kooxda…

Read More

Wasiiradda Warfaafinta Iyo Awqaafta oo Magaalada Gebilay Xadhiga kaga Jaray Idaacada Qur’aanka Kariimka ah DAAWO

Gabiley 17,June,2016(SDN/QJ):– Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray idaacada Qur’aanka kariimka ah oo laga hirgeliyay magaalada Gabilay. Munaasibad loo sameeyay daahfurka idaacada Quraanka Kariimka ah ayaa lagu qabtay hoolka dawlada hoose ee magaalada Gabilay, waxaana ka qeyb galay wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdillaahi…

Read More

Fadaa’isha Bisha Barakaysan ee Ramadaan,Awoodaha alle ina siiyey ee aynu Dayacnay Iyo Muxaadiro uu inoo soo Jeedinayo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun DAAWO

Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaynu ku dhex Jirnaa Tobankii dhexe ee Bisha Ramadaan oo Koobsatay Nimcooyin badan oo ka gaar ah Bilaha Kale Waa Bishii Raxmada,Bishii Denbi dhaafka Bisha uu Alle Kor ahaaye Adoomihiisa Camalka Suuban la Yimaada uu ka Xoreeyo Naarta Waa Bishii Ramadaan. Hadaba Muxaadiran Waxaa inoo soo Jeedinaya Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil…

Read More

Ururka SOLJA oo Walaac ka muujiyey Cabbudhinta ay Xukuumadda Siilaanyo ku Hayso Saxaafadda & Xorriyadda Hadalka

Hargaysa 16.June 2016 (SDN/QJ):-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa walaac xooggan ka muujiyey Cabbdudhinta iyo Cadaadiska xad-beelay ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Saxaafadda iyo Suxufiyiinta madaxa-bannaan iyo weliba Xorriyadda Hadalka Muwaaddiniinta Somaliland Dastuurku u dammaanad-qaaday. SOLJA waxa uu sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Ururka ee magaalada Hargeysa oo uu ku…

Read More

Xildhibaan ka tirsanayd Baarlamaanka Britain oo Toogasho lagu dilay, Sababta dilka & Madax ka hadashay

London 16.June 2016 (SDN/QJ):-  Xildhibaankii ugu horreeyey ee xil haya illaa 1990-kii, ayaa caawa lagu dilay Waqooyiga waddanka Boqortooyada Britain, taasoo ahayd Xildhibaan  Jo Cox oo ka tirsanayd Xubnaha Baarlamaanka UK oo da’deedu ahayd 52 sano jir. Ciidammada Booliiska Britian ee Waqooyiga England, ayaa sheegay in Jo Cox oo ahayd xubin Baarlamaanka Britain ka tirsan,…

Read More

Milicsiga ayaamaha Is Guraya Iyo Aragtidii Prof Samatar ee Khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee uu Maanta la Jaalka yahay Iyo Qaabkii uu u Naqdiyey Hadaladii Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 15.June 2016 (SDN/QJ):- “Hadii Xisbiga Kulmiye uu ka Adkaan Waayo in Si Cadaaladi ku Jirto uu u Maamulo dadka doorashada uga qayb galaya Wuu Bariiqan doonaa,Maanta Xisbigii Kulmiye Wado kale ayuu Maray” Siyaasi iyo Aqoon yahan Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Maalintii Shalay loogu Fooladeeyay Magaalada Boorama oo uu ku shaaciyey inuu ku biiray…

Read More