Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucaysa Wadahadalka Dhaqanka Ee Lagu Xalliyo Kiisaska Kufsiga
Hargaysa 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba mamnuucaysa wadahadallada habka dhaqanka ku salaysan ee odayaashu ku xalliyaan inta badan kiisaska kufsiga loo gaysto dumarka. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle) oo ka hadlayey kulan lagaga dhawaaqay bilowga olole wacyigelin ka dhan ah tacadiyadda loo gaysto haweenka, kaas…
