“Halista ammaan-darro ee Yemen, hubka galay gacmaha dadweynaha iyo kooxaha Shiicadaha ee dagaalka ku jiraa waxay u soo dhawaan karaan dhinaca xeebaha Somaliland iyo Puntland” Danjire Key
Nairobi 15.June 2015 (SDN/QJ)- Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Key, ayaa ka hadlay saamaynta dhinaca amaanka ee qaxootiga Yemen ku yeelan karo Somaliland iyo Soomaaliya. Mr. Nicholas Kay oo hadal ka jeediyey kulan uu qabtay Mac-hadka caalamiga ah ee Nabadda Adduunka ee la yidhaah IPI (International Peace Institute),…
