Webmaster

    Dhallinyaro Kooxo Kooxo Isu laysa oo Cabsi ku abuurtay Shacabka Magaalada Laascaanood Iyo Taliska Booliska oo ka hadlay

    Laascaanood, 24.May 2015 (SDN/QJ)- Dhalinyaro Kooxo-kooxo u dagaalama xilliyada habeenkiina isla markaana rabshado ka sameeya xaafadaha, ayaa habeennadii u dambeeyey xaalad ammaan-darro oo hor leh ku soo kordhiyey magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, taas oo cabsi ku abuurtay shacabka magaaladaasi. Hab-dhaqanka dhalinyarada kooxeysiga ka bilaabay magaalada Laascaanood oo aan hore uga jirin, waxa si…

    Read More

      “Saddexda gole waxaan leeyahay meesha ha yuururina’e jaaniska baneeya” Aasaaska Xisbiga Kulmiye 13 Sano ka Hor Iyo Weedho Taariikhda Galay oo laga Guntay Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

      Hargaysa 24.May 2015 (SDN/QJ):- Maanta oo kale 13 sano ka hor,waxaa lagu dhawaaqay, Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Somaliland ee Kulmiye. Xisbigan oo uu ku dhowaaqay Siyaasiga Axmed Maxamed Siilanyo oo maanta ah Madaxweynaha Somaliland. Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaya, xafladii Kulmiye lagaga dhawaaqay maalintaas iyo weedhihii ay siyaasiyiintu is dhaafsadeen, iyo xamaasadii madashaas ku…

      Read More

        Madaxweyne Gaas oo dhagax-dhigay waddada isku xidha Boosaaso iyo Ceerigaabo Iyo Kormeer uu Ku tegay Xeryaha Qaxootiga Yemen

        Boosaaso 24.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Boosaaso iyo Ceerigaabo. Waddada oo dhererkeedu gaarayo 220 km ayaa waxaa hirgalinaya maamulka Puntland, sida uu sheegay madaxweyne Gaas oo la hadlay warbaahinta. Wuxuu tilmaamay in Puntland ay ka go’antahay inay horumariso adeegyada…

        Read More

          Fu’aad Aadan Cade oo Xaaladiisa Caafimaad la go’aamiyay in Turkiga lagula eerto,iyo Caqabad ka hor timid

          Hargaysa 24.May 2015 (SDN/QJ):-La-taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee Gobollada Bariga Fu’aad Aadan-cadde oo u jiifa dhaawac kasoo gaadhay shil gaadhi oo uu madaxtooyada dhexdeeda ku galay, ayaa ka  ka hadlay xaaladdiisa caafimaad waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay sidii uu dhakhtar dibadeed ugu bixi lahaa.  Fu’aad Aadan-cadde oo warbaahintu ku booqanay Cisbitaalka Gargaar oo uu jiifo,…

          Read More

            Machadkii ugu Horeeyay ee Culuunta Saxaafadda lagu baran doono oo Hargaysa Dhagax dhig loogu sameeyay

            Hargaysa 24.May 2015 (SDN/QJ):-Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa Ayaa dhagax dhigay dhismaha Machad lagu baran doono culuumta saxaafadda oo loogu magac daray xog-hayihii hore ee Ururka SOLJA alla ha u naxariistee  Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax. Machadkan oo ka qayb qaaadan doona barashada culuumta saxaafadda  kaasi oo faa’iido badan u yeelan doona  koboca  heerka aqoonneed ee…

            Read More

              “Haddii aan la gaadhin xal waxa ay khatar gelin doontaa qaabka gaarka ah ee Somaliland lagula macaamilo mashruuca New Deal ee 2012” Ururka ICG Iyo Somaliland

              London 23.May 2015 (SDN/QJ)-Hay’adda caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa walaac ka muujisay in haddii aan xal waara laga gaadhin khilaafka ka dhashay muddo kordhinta ay sababi karto dhaawac soo gaadha xidhiidhka Somaliland iyo Caalamka. ICG waxay sheegtay in haddii aan isafgarad buuxa la gaadhin ay suurtogal tahay in wadamada Midowga Yurub ay…

              Read More

                Kulankii Muxaafidka iyo Mucaaridka Somaliland oo Natiijo la’aan ku dhamaaday iyo Balanta Isniinta DAAWO

                Hargaysa 23.May 2015 (SDN/QJ)- Wararka hadda ka imanaya Hotel Ambassador ee Magaaladda Hargaysa,ayaa sheegaya in hadda lagu soo kala kacay shirkii sacaaddihii ugu danbeeyay u socday Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland. Ma cadda sababta keentay inuu natiijo la’aan kusoo xidhmo wadahalka oo si weyn ay qeybaha kala duwan ee Shacabka iyo Bulshadda Caalamku uga…

                Read More

                  Golaha Wakiilada oo Cod ka Gacan taag ah ku laalay Mooshin ka dhan ah Maayerrada magaalooyinka Somaliland DAAWO

                  Hargeysa, 23 May 2015 (SDN/QJ)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa diiday meel-marinta ama ansixinta Mooshin ka dhan ah, kaasoo ay soo gudbiyeen Xildhibaanno ka tirsan Golahaas, isla markaana ay dalbanayeen soona jeedinayeen wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka dalka. Xeerkan wax ka beddelkiisa iyo kaabistiisa ay Mudanayaasha ka tirsan Wakiilladu soo…

                  Read More

                    Kulanka Madaxtooyada iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Waxyaabaha lagaga wada hadlay

                    Hargeysa, 23 May 2015 (SDN/QJ)-Iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo Safar dibedda ah ku maqani la sheegayo inay cadho ku kala tageen Madaxtooyada, ayaa haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in Madaxtooyadu la kulantay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar. Ma jiraan warrar xaqiijinaya mawduuca ay Madaxtooyadu kala hadashay Wasiirkii hore,…

                    Read More

                      Ismari-waa Ka Taagan Wada-hadalladii Xukuumadda iyo Mucaaridka u Socday Iyo Qayilaad Jilbaha Loo Laabay Markii La Isku Daalay

                      Hargeysa:May,23,2015(SDN/QJ)-Ismari-waa laxaad leh, ayaa hadheeyey wada-hadalladii mucaaridka iyo xukuumadda Somaliland Maanta Duhurkii uga bilaabmay Hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana Shan saacadood oo wada-hadal ah kadib dhinacyadu nasasho bideen cunista qaad kooban oo goobta la geeyey. Dhinacyadu waxa ay goor dhaweyd ka baxeen Hoolkii shirku uga socday, waxana ay uguureen Hool kale oo qaad la…

                      Read More

                        Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii

                        Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com Qormada: 1aad Hargeysa:May,23,2015(SDN/QJ)-Barinaye, ma barideen? Waa Sabtiile kale. Taxanaheennii inoo socday aynu mar kale innaga oo aan dabar saarin dagagarro. Waa Taxanaheennii: “Dadkii sow tan Haadkiyo, haanraawe boobeen.” Taxanuhuna raalli ha inaga ahaado inaga oo isku dabo-qaban lahayn ayaa hadba qormo kale doobta ridaysaa. Maantana, waxaynu dib-u-milicsi aad…

                        Read More

                          Afar Wasaaradood oo dhismahooda laga Bilaabay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood DAAWO

                          Laascaanood 23.May 2015 (SDN/QJ):- Bulshada Gobolka Sool ayaa si weyn u soo dhoweeyey mashaariic dhisme oo afar wasaaradood xarumahooda laga bilaabay Magaalada Laascaanood.wasiiru dawlaha arimaha nabadgelyada iyo horumarinta ee JSL Md Cali Sandulle oo daahfurkii mashaariicdaasi ka qayb galay ayaa ballanqaaday in muddo afartan maalmood ah gudahood lagu dhamaystirayo dhismaha afartaasi xarumood.

                          Read More

                            “Xukuumada Waxaan ku eedaynaynaa Waxay Jebisay Qodob Distoori ah” Xildhibaan Buubaa

                            Hargeysa 23.May 2015 (SDN/QJ):-Xildhibaan Ibraahiim Mahdi Buubaa, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay si badheedh ah u jabisay qodobo Dastuuriya, isaga oo tusaale u soo qaatay heshiisyada ay Xukuumaddu gasho oo aan loo soo gudbin Barlamaanka, waxa kale oo uu tilmaamay inay Xukuumaddu…

                            Read More

                              Maamulka Puntland Oo Xabsiga Dhigay Wariyayaal Katirsanaa Idaacadda Daljir

                              Garowe:May,23,2015(SDN/QJ)C-Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland, ayaa xabsiga dhigay Wariyayaal ka hawlgala Idaacadda Daljir, iyadoo aan wali la caddayn sababta keentay xadhigooda. Ciidamada maamulka Puntland ayaa  goobta shaqada ka kaxaystay Agaasimaha idaacadaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan Xuseen Gaardi iyo Tifaftiraha idaacadda Daljir Jamaal Faarax Aadan, kuwaasi oo iminka xabsiga la dhigay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in…

                              Read More

                                Weerar Lagu Qaaday Mudanayaal Baarlamaanka Somalia Katirsan iyo Magacyada Xubno Dhaawac La Gaadhsiiyey

                                Muqdisho:May,23,2015(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan oo aan Haybtooda la aqoonsan, ayaa Maanta weerar ku qaaday Gaadhi ay wateen Mudanayaal katirsan Baarlamaanka Somalia Aagga Waddada Maka Al-mukarama. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gaadhiga ay saarnaayeen Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu gaadhi kale rasaas ku furay, waxaana xiligaa kadib la maqlay rasaas xoogan oo dhacday oo la sheegay in…

                                Read More

                                  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka Hadashay Sababaha hakiyay Diiwaangelintii Madaniga ahayd

                                  Hargeysa, 23 May 2015 (SDN/QJ)- Agaasimaha Goboladda dhaqanka iyo siyaasada ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Xasan Cawaale, ayaa beeniyay warar ay qoreen warbaahinta qaarkood oo ay ku sheegeen in  albaabada loo laabay diwaangalintii madaniga ahayd, ee ka socotay goboladda iyo degmooyinka dalka Somaliland.   Agaasimaha oo arrintan kaga hadlay qoraal kooban ayaa waxba kama jiraan…

                                  Read More

                                    “Somaliland Cid Gaar Ahi Ma Laha, Waa La Wada Dhistay, Waana La Wada Leeyahay” Xildhibaan C.qaadir Jirde

                                    Hargeysa 23.May 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Xuseen oo ka mid ah xildhibaanada aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena muddo dheer ku soo jiray siyaasada Somaliland, ayaa ka xog waramay mar mar xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jamhuuriyada Somaliland, waxaana uu sheegay in Somaliland ay tahay dal si wada jir ah ay…

                                    Read More

                                      “Anigu ballan baan sii qaadayaa oo Xataa Haddii La I Dhirbaaxo Oo ay Igu Xanaaqaan Oo Koobab Ilaa Dhacaan Ka Ugu Dambeeya ee Fadhiyaan Ahaan Doonaa. Iyaguna yaanay….” Muuse Biixi Cabdi.

                                      Hargeysa:May,23,2015(SDN/QJ)-Guddoomiya-yaasha Axsaabta Kulmiye iyo Ucid, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Eng. Faysal Cali-Waraabe, ayaa Madal ay habeenkii xalay ku kulmeen kaftan siyaasadeed oo farshaxamaysan ku maasheeyey dadkii goobta joogay, iyagoo isku weeraray  arrimo xiiso badan oo shirka maanta loo ballansan yahay kamid yahay. Madasha siyaasiyiintani iska heleen oo ahayd mid lagu soo bandhigayey Buug laga…

                                      Read More

                                        “Haddii kutubtii timo laga helay Shaydaan baa ku guray si loo moodo inay Nebiga ka timi, sidaas darteed ciddii soontay way qaldan tahay cidda soomanina Ha jabiso.” Sheekh Umal

                                        Nairobi:May,23,2015(SDN/QJ)-Inta Badan Dalalka Soomaalidu degto, sida Kenya, Somalia,Djibouti iyo Somaliland waxa Toddobaadkan si weyn looga Hadal hayey qiso ku saabsanayd Gabadh dhallinyaro ah oo ku riyootay Aragtida Nebi Muxamed N.N.K.H, Isla-markaana amarro la sheegay inuu soo faray umadda usoo qaadday. Sheekadan oo Guryaha, Meherada, Basaska, Goobaha Waxbarashada, Suuqyada, Waddooyinka, Masaajiddada iyo Goobaha dadku ku kulmaan…

                                        Read More

                                          “Kusoo kala kicii shirkii Turkiga kadib wada-hadallo Ku Saabsan Telefoono Iyo Isku-soo Dhawaansho Way Na Dhex Mareen Somaliland, Waxana aanu Qabnaa In Wada-hadalkaas loo Baahan yahay…” Wasiir Odowaa

                                          Muqdisho:May,23,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Federal-ka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa ka Hadlay wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo somalia oo dhawaantan Hakadka galay, kadib markii ay Somalia  ka baxday khadkii wada-hadalkaas loo jeexay. Wasiirka oo marti ku ahaa Barnaamij arrimaha siyaasadda lagaga hadlo oo TV-ga Universal, ayaa sheegay in xagga fikirka ay ku kala duwan…

                                          Read More