Webmaster

    Shirkaddii Ku Guuleystay Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha oo Qandaraaskii Lagala Noqday,Caqabada ay doorashada ku Keenayso Iyo Interpeace Oo Qoraal Ka Soo Saartay

    Nairobi 07.March 2015 (SDN/QJ)- Shirkad lagu magacaabo Creative oo qandaraas lagu siiyey in ay Somaliland ka hir geliso Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, ayaa la sheegay in gebi ahaanba la laalay qandaraaskaasi hore loo siiyey, ka dib markii mada madow ka soo baxay qaabka ay ugu tartantay Qandaraaskaasi.   Hay’adda Interpeace ee Somaliland ka caawisa doorashooyinka,…

    Read More

      Gaadiidleyda Lawyacado iyo Somaliland oo Wasiir Samaale ku eedeeyay inuu Magafe u Samaystay Bulshada DAAWO.

      Saylac 07.March 2015 (SDN/QJ)- Qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Gaadiidka isaga kala goosha Gobolada Awdal iyo Salal ayaa ku eedeeyay Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale inuu Tacriifad aan hore loo arag ku soo rogay gaadiidka iyo dadka u kala goosha Somaliland iyo Jabuuti iyagoo xusay inuu Mudane Samaale u samaystay Shakhsi…

      Read More

        8 Milyan oo Isticimaala Shabakada Facebook ee Dalka Iran oo Dhaqdhaqaaqyadooda Isha lagu hayo.

        Tehran 07.March 2015 (SDN/QJ)- Dawlada Iran ayaa sheegtay inay dhameystirtay barnaamij internetka isha ku haya gaar ahaan barta Facebook oo ay dadka ku wada xidhiidhaan. Xukuumada Iran ayaa sheegtay in hada ay xabsiga dhigtay dad ay ku eedaysay inay Internetka ku faafinayeen qoraal anshax xumo ah oo ka horimaanaya nidaamka dowlada Islaamiga ah ee Iran,…

        Read More

          War Deg Deg ah:Askar ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo duleedka Laascaanood lagu dilay+ Iyo Gacan ku dhiiglihii oo aan la hayn

          Laascaanood 06.March 2015 (SDN/QJ)- Alle ha u naxariistee Hal  Askari oo ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa ku dhintay Mid kalena Wuu ku dhaawacmay Kadib markii Mid ka Mid ah Askarta Ciidanka Qaranka ee duleedka Magaalada Laascaanood uu Toogasho kula Kacay Goor dhawayd oo Caawa ah Isla markaana uu la baxsaday Gaadhi Qori Saaran yahay….

          Read More

            Akhri Nuxurka War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Maamullada Juba Land Iyo Puntland Uga Socday Magaalada Kismayo

            Kismayo:Mar,06,2015(SDN/QJ)-War-murtiyeed Qoddobaysan ayaa laga soo saaray Wada-hadalladii maalmahan Magaalada Kismayo uga socday Madaxda Maamullada Puntland iyo Jubba Land. War-murtiyeedka lasoo saaray ayaa loo kala jabiyey saddex qaybood oo kala ah Arrimaha Amniga, Siyaasadda Iyo Ganacsiga, waxana qoddobadu ahaayeen Sidatan soo socota. Arrimaha Siyaasadda: 1-In Jubaland iyo Puntland aragti mideysan ka yeeshaan xaqiijinta Hiigsiga sanadka 2016…

            Read More

              Caasimadda Somlia Ee Muqdisho Oo Dhawaan Martigelin Doonta Shir Caalami ah

              Muqdisho:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Sida uu Safiirka Somalia u Fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika u sheegay warbaahinta, waxa Caasimadda Somalia ee Muqdisho dhawaan lagu qaban doonaa Shir Caalami ah oo lagaga Hadlayo Qaxootiga soomaaliyeed ee Dhibaatadu haysato. Safiirka ayaa Xusay in Shirkan uu daba joogo Shir hore loogu qabtay Magaalada Nairobi oo dhexmaray Kenya,Soomaaliya iyo Hay’adda Qaxootiga u…

              Read More

                Madaxii Islaamiyiinta Syria Ee Al-nusra Oo Duqayn Lagu Dilay

                Damascas:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Saraakiisha Ammaanka dalka Syria, ayaa sheegay inay Duqayn cirka ah ku dileen Hoggaamiyihii Kooxda Al-nusra oo ah Koox ku Xidhan Ururka Al-qaacida. Wararku waxay sheegayaan in hogaamiyaha la dilay oo la yidhaahdo Abuu Xamaami Al-Shami waxaa uu ku naf waayay duqeyn ka dhacday goob uu ku sugnaa oo ku taala gobolka Idlib ee waqooyiga Syria….

                Read More

                  Daaciga Islaamiga ah Ee Zakir Nake Oo Shahaado Sharaf iyo Lacag Dhan$200,000 Dollar Ka Helay Boqorka Sucuudiga

                  Riyadh:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Daaciga islaamiga ah ee Dr Zakir Naik, ayaa Shahaado-sharaf iyo Qaddar lacag ah oo gaadhaysa $200,000 Dollar ka Helay Boqorka Suciidiga Salman bin Abdulcaziz. Dr Zakir Naik oo ah Daaci caan ka ah Caalamka Islaamka, ayaa Maamuuskan ku gaadhay inuu noqay Daaci aan Ku Hadlin Luuqadda Carabiga, haddana Door muhiim ah ka qaatay Faafinta Diinta…

                  Read More

                    Maansada magaceeda layidhaahdo:-duni oo ka hadlaysa xaalado badan iyo waaqiciga jira

                    Maasadan waxaa curiyey:-hal-abuur faarax carab ismaciil (Aarka) Maansada magaceed waxaa layidhaa:-duni Tariikhduna waxay ahayd marku curiyey hal-abuurku 28 feb 2015 hadaba Maansadan oo ka hadlaysa xaalado badan iyo waaqiciga jira meelabadana  ka taatabanaysa xaalka uu dalka soomaliland ku suganyahay waxaa curiyey hal-abuur da,yar se midho iyo xigmad miisaaman oo ay  farshaxanimo ku dheehantay alle ku manaystay…

                    Read More

                      Cali Sanyare:Waxaan yaraanteydii maqli jiray, haddana, dhalinyarada Somaliland joogta ku hadaaqdaa in tacabirku ama tahriibtu tahay “DHIMASHO ama NOLOL”(DHEGEYSO PRT 6)

                      Geneva Mar 06,2015(SDN/QJ)-Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali Sanyare) oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin  ayaa, isagoo joga  magaalada Jineefa (dalka Swiserlaan), aannu la yeelanay  wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanya. Waa wareysi taxana ah oo iminka snoo socday mudo todobaadyo ah idiinkoo kala socday bogeenan qurbejoog.com…

                      Read More

                        Qoddobo Xaasaasi ah Oo Lagaga Dooday Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland, Iscasilaadii Samaale Oo Lagu Celceliyey, Cududda Isbahaysiga Mucaaridka Iyo Xalinta Doorashooyinka Oo Guddi Loo Saaray

                        Hargeysa:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shalay ka duwanaa inta badan shirkii hore, waxana si aad ah u saamayeyey Iscasilaadda Wasiirro xukuumadda Ka tirsan, Cududda Mucaaridka iyo Shakiga Doorashooyinka laga qabo. Isku-shaandhayntii Wasiirrada, ayaa ahayd qodobka ugu weyn ee Shirkaas lagu lafo-guray, waxana   madaxweynaha wajigiiga lagu arkayey Cadho uu ka muujiyey…

                        Read More

                          Magacyada Saraakiil Dawladda Federal-ku u Xidhxidhay Qaraxii Hutel SYL

                          Muqdisho:Mar,06,2015 (SDN/QJ)-Kadib Baadhitaano muddo qaatay oo Dawladda Federal-ku samaysay, ayaa Aakhirkii keenay in xabsiyada lagu guro saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo Nabad-sugidda, kuwaas oo looga shakiyey inay lug ku lahaayeen Abaabulka qaraxii Hutel SYL. Saraakiishan ayaa lagu eedaynayaa inay wax ka ogaayeen Qaraxaas, iyagoo qaarkoodna la sheegayo inay dayaceen Hawshii loo igmaday…

                          Read More

                            Nuxurka Heshiis Shan Qoddob Ka Kooban Oo Laga Gaadhay Colaaddii Deegaanka Guriceel

                            Dhuusa-marreeb:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Kadib maalmo wada-hadallo, ayaa waxa  heshiis laga gaadhay Colaaddii ka taagnayd Degmada Guri-ceel oo keentay dhimasho iyo barakac dadweyne. Heshiiskan oo ah mid Ku-meelgaadh ah, ayaa waxa lagu kala saxeexday Qoddobo shan ah, waxana Goobjoog ka ahaa Wasiirka  Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo qayb muhim ah ka ahaa, iyadoo ay wehelinayeen…

                            Read More

                              Xusuus Qor Dhakhtaar Ilkood Iyo Taxane Shabakada Qurbejoog.com idiin soo Gudbinayso {DHAGAYSO}

                              Hargaysa 06.March 2015 (SDN/QJ)-Dhamaanba Asxaabta ku Xidhan Shabakada Qurbejoog.com waxaanu Si Taxane ah Halkan idiinku soo Gudbin doonaa Qormo Xiiso badan oo ay inoo soo diyaarisay Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Cilmiga Ilkaha Hargaysa kaga Shaqaysa . Waxay Drs Hibaaq Buubaal qormadan Maanta Inoogu soo bandhigaysaa Hanka iyo Himilada uu Qof kastaa leeyahay…

                              Read More

                                Wasiirka Duulista “Somaliland Baddeeda, Cirkeeda & Badkeeda midna cid uga tanaasuli-mayso”

                                Hargeysa 06 March 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa Ergadii Somaliland uga qayb-gali lahayd shirkii wada-hadalada Soomaaliya ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmi lahaa Axaddii toddobaadkan, balse fashilmay, ayaa shacabka kalsooni ugu muujiyey sida ay uga go’an tahay Xukuumad ahaan ilaalinta Hantida…

                                Read More

                                  Tirada Baabuur kuwa Dagaalka ah oo Talyaanigu ku wareejiyey Soomaaliya

                                  Muqdisho 06.March 2015 (SDN/QJ)-:- Dawladda Talyaaniga, ayaa Gaadiid Kuwa Ciidammada ah ah, una badan kuwa ay Millaterigu isticmaalaan oo Konton Gaadhi ka badan ku wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasoo kaabis weyn u noqonaya Awoodda Qalab iyo Gaadiid ee Ciidammada Federaalka Somalia. Kulan lagu qabtay gudaha Dekedda caalamiga ah ee Magaalada…

                                  Read More

                                    Magaalada Hargaysa oo Markii Kowaad laga Hirgaliyay Madxaf lagu Kaydin doono Taariikhda Somaliland DAAWO

                                    Hargeysa 06.March 2015 (SDN/QJ) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada, ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal ayaa Daah-furay Madxaf loogu talo-galay in lagu soo bandhigo Aataarta Qadiimka ah ee Somaliland caanka ku tahay, kaasi oo laga hirgeliyey gudahaxarunta Wasaaraddaasi. Munaasibadda lagu daah-furay Madxafkan oo muhiim u ah dalxiisayaasha Somaliland yimaadda, ayaa waxa kale oo ka…

                                    Read More

                                      “Samaale Wuu Ka Siibtay Salaankii Siyaasada,…Waxaanu Lumiyay Fursad Dahabi Ah Oo Uu Ku Soo Gaadhay Nasiib…” Aadan-Dhoolayare

                                      Hargeysa 06.March 2015 (SDN/QJ) Wasiirkii hore ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Md.Aadan Axmed Cilmi (Aadan-Dhoolayare) ayaa ku tilmaamay is-casiladii Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, kadib markii uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan ku sameeyey isku shaandheyn Golihiisa Wasiirada,inuu kaga siibtay salaankii Siyaasada, isla markaana waxa uu lumiyay fursad dahabi ah oo uu ku…

                                      Read More