Webmaster

    Mas’uul Turkiga u Shaqaynayay oo la dhashay Madaxweynihii Hore ee Somalia Sh.Shariif oo la Dhaawacay

    Muqdisho 06.March 2015 (SDN/QJ) Dabley hubAysan ayaa ku weerarey meel u dhow gurigiisa oo ku yaal xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan. Nin ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa  lagu dhaawacay magaalada Muqdisho. Ninka oo lagu magacaabo CabdIllaahi Sheekh Axmad kuna magac dheer (Ubba) wuxuu la shaqaynayay hay’adaha samafalka ee Turkiga…

    Read More

      Hargaysa oo Mudo badan ka Dib Yeelanaysa Laydhka kala Haga Gaadiidka DAAWO

      Hargeysa, 06 March, 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa soo bandhigay Ishaarooyinka Gaadiidka kala-haga oo lagu rakibi Is-goysyada ugu muhiimsan ee Jidadka Caasimadda, kuwaas oo ku shaqaynaya Tamarta Qorraxda. Maayar Soltelko oo ay weheliyaan maayar ku-xigeenka Cabdicasiis Caga-weyne iyo xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka, ayaa mar…

      Read More

        Mawqifka Beesha Caalamka ee Qabsoomidda doorashooyinka Somaliland iyo wakhtiga ay filayaan inaanay dhaafin

        Addis Ababa, 06 March, 2015 (SDN/QJ)- Beesha caalamka, ayaa ka hadashay mawqifkooda la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee qorshaysnaa inay badhtamaha sannadkan ka dhacaan Somaliland, isla markaana sheegay inay iman karaan dib-u-dhac farsamo marka loo eego shuruudo ka horreeya qabsoomidda doorashada oo weli aan la fulin. Waaxa Sidaa u sheegay Wargeyska Himilo…

        Read More

          Soomaali haysta dhalashada dalka Sweden oo Somaliland dib loogu soo Celinayo iyo Asbaabaha Keenay

          Stockholm, 05 March, 2015 (SDN/QJ)- Dalka Sweden ayaa la sheegay inuu ku soo celin doono Somaliland nin soomaali ah oo haysta dhalashadooda, ka dib markii lagu ogaaday nidaam cusub oo hay’adda socdaalka dalkaa isticmaalkiisa bilowday inuu ka beensheegay macluumaadkii uu bixiyey markuu magacgelyo-doonka weydiisanayey dalka. Sida lagu baahiyey wargeyska Aftonbladet ee ka soo baxa Sweden…

          Read More

            Nin Dhacdo Mucjiso ah Ku Soo Bandhigay Caasimada Hargaysa,Awood ma u leedahay inaad 70 Kiilo Ilkaha ku qaadid DAAWO

            Hargaysa 06.March 2015 (SDN/QJ)- Waa Mid ka Mid ah Dhacdooyinka ay naadirka tahay inaad aragto,Waa isku day uu Ninkani Mudo badan ku haminayay inuu ka Midho dhaliyo Waxa lagu Magacaaba Maxamud Gurmad Kibaar Waxa uu awood u leeyahay inuu Ilkihiisa ku qaadi karo Gadbad raashin ah oo dhan 70 Kiiloo amase Laba Jirikaan oo Midkiiba…

            Read More

              Akhri Magacyada Laba Siyaasi Oo Ka Cudur-daartay Qabashada Xilal Madaxtooyadu Usoo Bandhigtay Iyo Sababaha ay Cuskadeen

              Hargeysa:Mar,05,2015(SDN/QJ)-Jaah-wareerka Siyaasadeed  ee ka jira Madaxtooyada Somaliland, ayaa meel xun maraya, waxana guuldarro ku dhamaaday iskudayo kala dambeeyey oo lagu doonayo in lagu buuxiyo Boosas kasoo bannaanaaday Isku-shaandhayntii dhawaan madaxweyne Siilaanyo sameeyey. Sida ay sheegayaan Ilo xog-gaal ah oo wargeyska Ogaal Helay ilaa iyo haatan waxa soo jeedimo xilal ah ka cudurdaartay laba siyaasi oo…

              Read More

                Abiib Timo-cad Oo Xilkii Wasaaradda Warshadaha Wareejiyey, Kahor Inta aan La Magacaabin Ciddii Beddeli Lahayd

                Hargeysa:Mar,05,2015(SWDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Warshada Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo dhawaan iscasilay, ayaa Maanta xilkii wasaaradaas ku wareejiyey  wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Wasaaraddaas dhawaan loo magacaabay Cali Axmed Maxamed. Munaasibaddan xil-wareejinta ah oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaanu wasiirka hore wax hadal oo badan ka odhanin, waxana uu sheegay kaliya inuu shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradaas kala kulmay…

                Read More

                  Eng. Maxamed Xaashi Oo Isbarbar dhig Ku Sameeyey Mushaharka Madaxweyne Siilaanyo Iyo Qiimaha Lacagta Mishiinada Kelyaha ee Cisbitaalku U Fadhiyaan

                  Hargeysa:Mar,05,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka Hadlay Dayaca Dalka ka jira iyo sida aanu madaxweynihii shacabku doorteen diyaarka ugu  ahayn inuu u damqado dadkiisa jilicsan. Maxamed Xaashi oo shalay ka Hadlay madashii ay isbahaysiga ku samaysteen Mucaaridka Somaliland, ayaa  sheegay inuu madaxweynaha dalku qaato mushahar xad-dhaaf kaligii, halka uu mishiinka…

                  Read More

                    Sarkaal Katirsanaa Bahda Waxbarashada Oo Xilkii Iska Casilay Iyo Sababaha uu Cuskaday

                    Balligubadle:Mar,05,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka nasoo gaadhayaa waxa xilkii uu Wasaaradda Waxbarashada uu ka hayey iska casilay Guddoomiyihii Gobolka Hawd Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan, kadib muran dhex maray isaga iyo Wasiirka Waxbarashada Marwo Zamzam Cabdi Aadan. Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hawd oo hore u ahan jirey Maamulihii Dugsiga Sare ee Quulle Aadan, ayaa la sheegayaa inay Wasiirka…

                    Read More

                      Wasiir Cukuse Oo Yididiilo Ka Muujiyey In Dib Loosoo Ladqabeeyo Wasiir Samaalihii Iscasilay, Abiibna weedho Culus Ka Daba tuuray

                      Hargaysa:Mar,05,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelnta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse), ayaa Yididiilo ka Muujiyey in dib loosoo ladqabeeyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland oo dhawaan iska casilay Golaha wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kadib markii uu cabasho ka muujiiyey isku shaandhayn madaxweynuhu sameeyey. Wasiir Cukuse oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa xusay inuu ku rajoweyn yahay in…

                      Read More

                        Magacyada Saraakiil Lagu Eedeeyey Qaraxyo Muqdisho Dhawaan Ka Dhacay Oo Xabsiyada Lagu Guray

                        Muqdisho:March,05,2015(SDN/QJ)-Warar cusub ayaa kasoo kordhaya saraakiisha dhinaca ammaanka ahayd oo lagu xidhiidhiyey qaraxyo dhawaanahan ka dhacayey magaalada Muqdisho, kuwaas oo xabsiga lagu guray. Saraakiishan ayaa tiradooda lagu sheegay inay toban ka badan yihiin, waxana ay ka kala tirsan yihiin Hay’adaha Booliska iyo Nabad-sugidda, waxana lagu soo qabtay tuhunno la xidhiidha doorkii ay ku lahaayeen Qarax…

                        Read More

                          Nabad-sugidda Somalia Oo Soo Bandhigtay Bajaaj Waxyaabaha Qarxa Lagu Soo Xidhay Oo ay Soo Qabteen

                          Muqdisho:March,05,2015(SDN/QJ)-Ciidanka Nabadsugidda somalia, ayaa shalay galabtii muqdisho kusoo bandhigay Midka mid Gaadiidka yar yare e Bajaajta loo yaqaanno, taas oo walxaha qarxa lagu soo xidhay, waxana la qabtay mootadii iyo raggii la socdayba. Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya Qaasim Axmed Rooble, oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in mooto bajaajka la soo qabtay, xilli ay dhex…

                          Read More

                            Tahriibayaashii Ugu Badnaa Oo Saacadihii Ugu Dambeeyey Laga Badbaadiyey Xeebaha Dalka Talyaaniga

                            Lampedusa:March,05,2015(SDN/QJ)-24-kii saacadood ee ugu dambeeyey waxa ay ciidamada ilaalada xeebaha talyanigu tahriibayaal gaadhaya ilaa iyo kun qof, kuwaas oo halis ugu jirey inay badda ku qarraqmaan. Tahriibayaashan ayaa kasoo kicitimay Waddaka Libya, waxana ay saarnaayeen Doomo kala duwan oo aan awood badan u lahayn inay baddaas ka gudbaan, isla-markaana la tan dhaafiyey. Ugu yaraan 10-qof…

                            Read More

                              Nuxurka War-saxafadeed Xisbiga Kulmiye Kaga Gal-gashay Hadal Guddomiyahoodu Ku Weeraray Culimada Dalka Oo Si Lama Filaan ah Warbaahintu u Faafisay

                              Hargeysa:March,05,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Kulmiye, ayaa si weyn uga cadhooday Hadal Guddoomiye Muuse Biixi Goob xabaal ahayd ka yidhi, kaas oo  ka dhan ahaa wadaadadda waddanka. Hadalkaas, ayaa markii ay saxaafaddu heshay baahay, waxana si weyn uga cadhooday Guddoomiye Muuse Biixi oo tilmaamay inaanu odhanin amaba si kale wax loo leexiyey, waxana uu kasoo saaray war-saxaafadeed u ku…

                              Read More

                                Madaxweyne Uhuru Kenyata Oo Gacantiisa Ku Gubay In kabadan 15-tone Oo Fool Maroodi ah

                                Nairobi:March,05,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Uhururaha waddanka Kenya, ayaa gacantiisa ku gubay ugu yara 15-tone oo kamid ahaa foolasha maroodiga, kuwaas oo si hoose loosoo qabtay. Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya waxaa uu sheegay inay xaaraan tahay in la dhoofiyo ilkaha  waxaana uu sheegay in ujeedka ay u gubeen ilkahan ay tahay inay ku quusiyaan dadka maroodiyaasha ugaadhsada. M/weyne Kenyatta…

                                Read More

                                  Ergadii Somaliland u Matalaysay Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somalia ee Burburay oo Si aan la arag Hargaysa loogu soo dhaweeyay SAWIRO

                                  Hargaysa 03.March 2015 (SDN/QJ)- Shacbiga Somaliland ayaa dareen qiimo badan oo aad u sareeya ku qaabilay weftigii uga qaybgalay shirkii Somaliland iyo Somaliya ee Turkiga, ee uu maamulka muqdisho carqaladeeyey ka dib markii ay u adeegsadeen, xubno calooshooda u shaqaystayaal ah oo Somaliland kaga maqan baxsad siyaasadeed, balse ay somaliya werwer ay ka qabto in…

                                  Read More

                                    Daawo:Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Maanta Dadwayne Tiro Badan Oo Hargeisa Si Baladhan Ugu Soo Dhaweyey Isaga Iyo waftigiisa U Khudbadeeyey

                                    Hargeisa 4/3/2015(SDN/QJ)wasiirka arimaha dibada somaliland maxamed biixi yoonis ayaa manta isaga iyo wafti uu hogaaminayo si baladhan loogu soo dhaweeyey maglada hargeisa iyadoo badhtaha suuqa  harageisa  uga khudbad uga jeediyey dadwayne tiro badan https://www.youtube.com/watch?v=h_xLpIy2LjI Hargeisa SDN/QJ Concat@Somalidiasporanews.com

                                    Read More