Webmaster

    Mujaahid Cali Gurey Oo Ciidamada Awdal La Geeyey Ku Sababeeyey Aargoosi Xukuumaddu Kaga Jawaabayso Xildhibaanadii Gobolkaas Kasoo Jeeday Ee Fashiliyey Inqilaabkii Cirro Ka Dhanka ahaa

    Hargeysa:Dec,20,2014(SDN/QJ)-Mujaahid Cali-gurey oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid, ayaa ka Hadlay xaaladda ka taagan Gobolka Awdal iyo sida ay xukuumadda  Madaxweyne  Siilaanyo uga falcelisay arrintaas. Mujaahid Cali Gurey, ayaa qoraal dheer oo uu Barta Face-book-ga soo dhigay su’aal ku geliyey sababta ay xukuumaddu ugu dhaqmayso hannaanka Bilaa Natiijada ah ee keenay inay dheeraato xalka…

    Read More

      274 Xildhibaan + Daahir Amiin Jeesow

      Waxaa la yidhi: Geela duqdiisu durdurisay aarankiisana maxaad mooddaa. Waxay ahayd 19.Dec.2013, maalintii aan qorey Maqaalkan:  Dhaarta Kitaabka – Ta dhaqankana ha lagu daro Maqaalkan oo ruuxii aan horey u akhriyin uu halkan ka heli karo nuqul ka mid ah wuxuu ka hadlayey dhaarinta Xildhibaanada iyo Madaxda kale ee Dowladda Soomaaliya oo wax laga badalo,…

      Read More

        Xaflad xilwareejin oo ka dhacday Jaamacada Bariga Afrika – Galdogob (Sawiro)

        Galdogob Dec 19,2014(SDN/QJ)- Xafladaani oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday  Hoolka wayn Ee Jaamacadda Bariga Afrika { EAST AFRIKA UNIVERSITY } Faraceeda Galdogob. Xafladaan ayaa ahayd xilwareejin uu samaynayey Maamulkii hore ee jaamacada Dr Bashiir Warsame Maxamed ( Bashiir Caato) waxaana xilka la wareegay Gudoomiyaha cusub Ee jamacadda Proff: Muuse…

        Read More

          Xasan Sheekh Oo Shaaciyey Inuu Axmed Madoobe Yahay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubba Land Oo Aanay Hore xukuumaddu ugu Aqoonsanayn

          Kismayo:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan sheikh, ayaa shalay ku dhawaaqay in wax kabeddel lagu sameeyey Heshiiskii Dawladda dhexe hore ula gashay Maamulka Juba land xilli uu martu u ahaa Maamulkaas. Madaxweynaha oo lahadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in maanta laga bilaabo uu Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) uu Qaadanayo Titelka Madaxweyno nimo uuna yahay Madaxweynaha buuxa ee Dowlad…

          Read More

            Reer Yurub Oo Soomaaliya Ugu Deeqay $13milyan, Meelaha wax lagaga qaban Doono Iyo Cidda Gacanta Ku Hayn Doonta

            Brussels:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Midowga Reer Yurub ayaa lacag dhan $13.4 milyan ugu deeqay Somalia, taas  oo loogu talo galay in koor loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha oo burbur laxaad lihi soo gaadhay. Lacagtan ayaa Dowladda Soomaaliya loo soo marsiinaya Bankiga aduunka oo maamuli doona, iyadoo kal hore Dowladda Federaalka lacago toos loogu deeqay la is-daba mariyey. Wakiilka Midowga Yurub…

            Read More

              Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Wareegto Ku Mamnuucay Munaasibadaha Axsaabta Qaranku Hutellada ku Qabsadaan

              Berbera:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa shalay soo saaray Wareegto uu dhammaan Hutellada kaga Mamnuucayo in lagu qabto wax munaasibado ah oo axsaabta qaranku leeyihiin. Wareegtada ayaa waxa lagu soo beegay Munaasibad ballaadhan oo xisbiga waddani shalay ku qabsan lahaa Hutel Mansor Berbera, taas oo uu markii dambe u leexiyey dhinaca xaruntiisa Magaalada uu…

              Read More

                Hindise-sharciyeed Halis Ku Ah Shaqada Saxaafadda iyo Xuquuqda Aadamaha Oo Baarlamaanka Kenya Ansixiyeen, Una Gudbay Dhinaca Madaxtooyada

                Nairobi:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Aqalka Baarlamaanka Kenya, ayaa Madaxweynaha u gudbiyey Hindise-sharciyeed Dood Badan iyo Muran ka dhex abuuray Bulshada Reer Kenya, kaas oo la sheegay inuu  ballaysin ka noqon dhaqdhaqaaqyada kooxaha Mintidiinta ahi ka wadaan Gudaha Waddanka kenya. Hindise-sharciyeedkan, ayaa ka hor intii aanu u gudbin Madaxweynaha, waxa uu Baarlamaanka dhexdiisa ka dhex dhaliyey muran iyo isku dhac…

                Read More

                  Daawo Faysal Cali Waraabe oo soo dhaweeyay magacaabida Raiisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya

                  Hargeysa Dec 19,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu safar shalay ka soo noqday waxa uu ka hadlay magacaabidii Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomalaiya oo uu sheegay in uu soo dhaweynayo. Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ka hadlay xaaladaha Awdal, xiriirka isaga iyo Guddoomiyaha Wadani xiriika dalalka deriska la ah Somaliland.

                  Read More

                    Akhri Magacyada Qaar Kamid ah Golaha Wasiirrada Oo uu Magacaabay Madaxweyne Shariif Xasan

                    Muqdisho:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Shariif Xasan sheikh Aadan, ayaa shalay galab ku dhawaaqay xubno kamid ah Golihiisa Wasiirrada oo muddooyinkan  laga sugayey, iyadoo kuwa kalena dhawaan la shaacin doono. Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya,waxa uu magaalada Baydhabo kasoo saaray Degreeto ay ku qoran yihiin kaliya afar Wasiir oo kamid Noqon doona Golihiisa Wasiirrada Soo socda, waxana ay kala ahaayeen…

                    Read More

                      Mareykanka oo sheegatay in madax sare ka dilay Daacish

                      Washington Dec 19,2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay duqeymo ay ku qaaday degaanada kooxda Daacish ka arimiso ay ku dilshay madax sare oo kooxdaas ka mid aheyd. “Waxaan xaqiijiin karaa ilaa bartamihii November in duqeymaha huwanta marekanku hogaaminayo ay fuliyeen in lagu dilay madax sare oo Dacaash hogaamisa” sidaa waxa…

                      Read More

                        Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Sheegay In Khilaafkii Madaxweynaha Iyo Ra’isal Wasaaruhu Soo Noqon Doono, Hoostana Ka Xarriiqay Xalka Lagaga Bixi Karo Dhibkaas

                        Muqdisho:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ahaa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa Muujiyey Walaaciisa uu ka qabo in muranka caadada u ah Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaruhu uu markale soo noqdo haddii aan Xaal waara loo kala samayn labada masuul. Ismaaciil Hurre Buubaa oo la Hadlay qaarka mid ah warbaahinta, ayaa tilmaamay in xalka kaliya…

                        Read More

                          Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Gudogalay Dejinta Xaraaradda Reer Awdal Iyo Kulamadii Ugu Horraysay Oo Halkaas Ka Bilaabay

                          Hargeysa:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici) oo haatan ku sugan Magaalada Borama, ayaa Gudo galay daminta iyo dejinta xaaladda ka taagan Gobolka Awdal oo beryahan uu dhexqaadayey Suldaan Fallaagoobay oo ku kacay Arrimo ka dhan ah somalilandnimada iyo qaranimada. Mudane Saylici oo shalay Halkaas gaadhay, ayaa galabnimadiiba kulamo gaar ah aqalkiisa kula qaatay Ganacsatada iyo Dadka…

                          Read More

                            Baarlmaanka Kenya oo isku gacan saaray dood ka dhalatay sharci amaanka ku saabsan

                            Nairobi Dec 19,2014(SDN/QJ)Waxa Baarlamaanka Dalka Kenya ka dhacay buuqa ka dhashay xili ay Xildhibaanaddu uu cod u qaadi lahaayeen Sharci lagu adkaynayo Amaanka Dalkaas, kaas oo dhigaya in Xabsiga hal Sanno lagu hayn-karo Qofkii looga shakiyo inuu xidhiidh la leeyahay Ururadda Argagixisadda. Sharcigan ayaa waxa kasoo horjeestay hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda ee Kenya, iyagga…

                            Read More

                              WARSAME IYO WARMOOGE SIDAN MA ISKU DHAANAA!

                              Warsame iyo Warmooge waa laba oday oo saaxiib ah mana heshiiyaan mana kala tagaan, kaftanka iyo sheekaduna waa u dhex, waxay ka hadlaan dhacdooyinka maalinlaha ah ee bulshada dhexdeeda ka jira. Waa qormooyin taxane ah oo ka hadlaaya xaaladaha dalka ka taagan   Warsame: duulkani bal eega Duni kale raacayee Danahoodii ilaabaye Dane kale ku…

                              Read More

                                OGEYSIIS- OGEYSIIS KU SOCDA DHAMAAN SHACABKA BEELAHA SUBEER AWAL EE CARIGA INGIRIISKA IYO NAWAAXIGIISA

                                Dhamaan waxa la ogaysiinayaa Dadwaynaha ku dhaqan gobalada Ingiriiska ee UK  in uu Qabsoomi doono Hadii Alleh idmo Shirweynihii (SAMATALIS) Ee Mideynta Bahweynta Subeer Awal  Maalinta Sabtida ee bishan December tahay  20/12/14 oo ku beegan Sabtidan soo socota  Saacadu marka ay tahay 3: 00 Galabnimo  ilaa iyo 12:00-ka Habeenimo  Goobtuna  waa tan Hoose: 68 Milan Palace.Southall Middle Sex. UB2 4BG  Wixii…

                                Read More