|

Axmed Madoobe oo safar uu ku tegay Addis shaki ka dhashay

Addis Ababa April 28, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda dowladda Itoobiye ee heer gobol ilaa federal.

Mas’uuliyiinta uu Axmed Madoobe la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax, Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar.

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta qurbejoog.com ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka Madaxweyne Madoobe ee dalka Itoobiya ay la xiriirto iska caabin uu doonayo in uu isaga sameeyo Villa Soomaaliya, iyo wanaajinta xiriirka Addis Ababa iyo sidii uu kulamo dhanka amniga ah ula qaadan lahaa madaxda dalkaas gaar ahaan taliyeyaasha ciidamada ugu sareysa.

Comments are closed