|

Musaveni oo sheegay in ay xalin karaan colaada Soomaaliya

Entebbe April 28, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni, oo ah Guddoomiyaha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday in ay xalin karaan colaadda Soomaaliya.

Intii uu socday shir jaraa’id oo ay TCC-da ku qabteen Khamiistii la soo dhaafay Xarunta Madaxtooyada ee Entebbe, ayuu Madaxweyne Museveni ku sheegay taariikhda fog ee Afrika ee xallinta khilaafaadka, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalladii Idi Amin ee Uganda, Tanzania iyo Burundi.

Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in sidoo kale ay xalin karaan dagaalada ka socda Soomaaliya.

Shir madaxeedka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Burundi, Kenya, iyo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya. Xubnaha kale ee ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Madaxa Xafiiska Taageerada IGAD ee Soomaaliya (UNSOS), iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Guddiga Midowga Afrika.

Shir-madaxeedkan ayaa lagu taageeray dadaallada Midowga Afrika ee Soomaaliya si uu u guto waajibaadkiisa, oo ay ku jiraan taageerada horumarka siyaasadda iyo nabadaynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Kenya, Dr. William Ruto, ayaa isku raacay in la iska kaashado horumarinta danaha dalka ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Comments are closed