Garbahaarey Feb 08 2013 (SDN)– Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Gedo oo Shabakada SDN xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Gedo gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaanda Miidaale iyo Balanbaal.
Aadan Maxamed oo kamid ah saraakiisha gobolka Gedo ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay burburiyeen sal dhig ciidamada Ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi.
Sidoo kale Aadan Maxamed ayaa xusay in dagaalka ay si wada jir ah u galeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Waxa uuna sheegay in 5 mid ah ciidamada ururka Al shabaab ay dagaalkaasi ku dileen isagoona aan sheegin wax qasaaro ah oo dhankooda soo gaaray.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay uruka Al shabaab oo ku aadan guulaha ay sheeganayaan ciidamada dowlada marar badan ayaa waxa ay dagaalo qasaaro geystay ka dhacay deegaano hoos yimaada gobolo ay Gedo ka mid tahay.
SDN-Garbahaarey
