|

Odey u Dhashay Dalka Sacuudiga oo soo Bandhigay Dilal lala Beegsaday Boqorkii Sacuudiga

Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Mid ka mida odaayaasha ugu da’da wayn dalkaasi Sucuudiga oo dadiisu tahay 107jir ayaa waxa uu soo badn dhigay dhacdo uu u taagnaa dhacadadaasi oo ahayd shirqool loo maleegay boqor CAbdicasiis ka hor intii aanu geeriyoon .

 

47091564Odaygan oo magaciisa la yidha Abdallah Al-Qshcami  ayaa waxa uu yidhi “Waxa aannan iloobayn dhacdo dhab ah oo aan u soo taagnaa taasoo  ahayd shirqool loo soo maleegay AHUN boqor C/casiis ka hor intii aanu geeriyoon ,waxa ay ahayd waqtigii xajka boqorkuna waxa uu  ku sugna Makka waanu xajinayay maalintii ciida anaga dawaafayna oo boqorkuna uu na la dawaafayo ayaa waxa dadkii soo dhex galay saddex nin oo hubaysan waxa mid ka mida saddexdaa nin uu sitay waran uu ugu tala galay inuu galiyo boqorka”.

Hadaba mid ka mida caruurtii uu dhalay boqorka oo la odhan jiray Sucuud ayaa isaga ag socday boqorka waxaanu intaa ku daray  Al-Qashcami  “markii ay u soo dhawaadeen boqorka ayaa waxa iskaga dhigay wiilkiisi u dhalay ee Sucuud ,warankii lagu waday boqorkuna waxa uu garabka ka galay wiilkiisi Sucuud,intaa kadib ciidamadii amaanka ayaa soo galay oo gacanta ku dhigay nimanki hawshan fulinayay ,waxaana isla goobtii lagu dilay ninkii waranka sitay oo isagu ahaa nin Yamani ah”.

Waxa ay ahayd markii ugu horaysay ee la isku dayo boqor ka mida boqorada dalkaasi Sucuudiga in la beegsado balse intaa kadib waxa dhacay falal lagu khaarjiyay qaar mid boqoradii soo maray dalkaasi .

Comments are closed