|

Baaq iyo Cambaarayn is Huwan oo Ku wajahan Ololaha weeran ee Xukuumadu ku wareejinayso Haamaha Shidaalka ee Berbera

Shir deg-deg ah oo markay taariikhdu aheyd 29/8/15 ay isugu yimaadeen Qurbajoogta Ciise Muse ee reer London ayaa waxay Cambaarayn wadareed mug leh u soo jeediyeen Xukuumada Siilaanyo ee waqtigeedii uu dhamaaday oo caado ka dhigatay in Hantida Maguuraanka ah ee dalka ay ku wareejiso kuna naaxiso shirkado gaar ah oo ay Wasiiradeedu sheerar buuran ku leeyihiin amaba ay iyagu  falkisteen oo sameysteen. Waxay Xukuumadu Caadaysatay in ay Xubnaheeda ugu culusi ay kolba soo Sameystaan Shirkado sameys ah oo cusub oo aan buuxin shuruudaha maalgashiga maxaliga ah ee dalka u yaala, kuwaas oo ay hadba ka dhigtaan Shirkadahaa cusub Weel iyo Yeel ay hoos dhigtaan ilaha dhaqaalaha ee dalka amaba ku biyo dhiijiyaan Qandaraasyada Qaranka, waxaana shirkadahaa ka mid ah Shirkadaha cusub ee ay Xukuumadu hada ku  wareejinayso  Haamaha shidaalka ee Berbera.

1- Waxaa Xukuumadu Caadaysatay in ay meesha ka saarto shuruucdii qandaraasyada iyo Xeerarkii yaraa ee Maalgashiga ahaa ee dalka u yaaley.
2- Waxay Meesha ka saartay Tar tankii xalaasha ahaa iyo suuqii xorta ahaa, Taas oo dhiirigelinaysa in ay Shirkado gaar ah Kooto ugu xidho noloshii ummadda.
3- Waxa ay ku tagri falaysaa Xukuumadu Haamihii Shidaalka ee Qaranka oo dakhligoodu uu gaadhaayo ilaa 24 Million oo Doolar 18-kii bilood ee la soo dhaafay
4- Waxay Xukuumadan Xaaluf daaqa ahi ay caadaysatay in aanay shirkadaha quud dareynaaya mashaariicda dalka ay soo mariso Golaha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.
5-  Waxay Xukuumadan Dhoobo Qaadka ahi ay Caadaysatay in ay Daaha Dabadiisa kula heshiiso Shirkadaha kana qaadato aduun badan oo aan khasnada dawlada ku dhicin
Sidaa Daraadeed anaga oo ah Qurbe joogta Ciise Muse ee UK waxaanu Cod mideysan ku canbaarayneynaa Xukuumada Siilaanyo ee isnuuga ah ee caadaysatay in aaney Dawladaha ka danbeeyaa aanay waxba ugu iman,  Waayo waxay  xaalufisay oo Carabka wada marisay dhamaan ilihii dhaqaalaha iyo Dantii Guud ee Qaranku wada lahaa ( min Wershed, dhul banaan iyo  ilaa Guri Dawladeed ).
A- Waxaanu Taageeraynaa oo Hiil iyo Hooba la garab taaganahay Baaqyadii ay dhawaan soo kala saareen Salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka  iyo xubnaha ugu daacadsan   Golaha Degaanka  ee Degmada  Berbera oo iyaguna arintan Wereejinta Haamaha Shidaalka ka hadlay.
B- Waxaanu uga digaynaa in aaney Ganacsatada Ciise Muse ee cadka Quudheed ee 5% ah loogu balan qaaday in aaney qaadan oo aaney iyagu Food saaro noqon.
C-  Waxaanu uga Digaynaa Wasiir Muse Qaasim oo arinkan lagula soo Gal-gashay markii uu murgay in aanu isna Godob ka gelin reer Saaxil iyo Qarankaba.
Gunaanad;  Waxaanu Codsi iyo Baaq isku lifaaqan  u soo Jeedinaynaa in ay Golaha Baarlamaanka ee Somaliland Muxaafid iyo Mucaaridba ay meel uga soo wada jeestaan oo ka fiirsadaan arintaa Wareejinta Haamaha Shidaalka ee Berbera ka dibna ay ka munaaqishoodaan oo is hor taagaan wareejinta Haamaha Shidaalka ee Qaranka.
Allaa Mahad Leh
Waa Bilaahi Towfiid
Gudida Ciise Muse ee Kulan UK.
Tebiye : A/fidhinle

Comments are closed