Uncategorized

Baarlamaanka Britain oo xukuumadooda ku eedeyay wax ka qabasho la’aan ku wejahan Burcad-badeeda Soomaalida

London Jan 05,2011(qurbejoog.com)-guddi Baarlamaani ah ayaa ku eedeeyay xukuumada Britain wax qabad yari ku wejahan Burcad-badeeda Soomaalida ee sanadkii hore madaxfurashada u qaadatay 138 million oo dollar.

Guddida Baarlamaanka Britain u qaabilsan arrimaha dibedda ayaa sheegay in dawlada dalkoodu aaney laheyn siyaasad cad oo ku wejahan la dagaalanaka Burcad badeeda Soomaalida.

Guddida ayaa soo jeedisay in Burcada Soomaalida lagu maxkamadeeyo guddaha dalka Britain.

Guddidu waxa kale oo ay dhaleeceeyeen sida xukuumadu had iyo gooraale ugu hanjabto Burcada balse aaney waxba uga qaban kooxdan lidiga ku ah danaha Britain.

Dawlada Britain ayaa dhawaan u fasaxday maraakiibtooda in ay raacaan rag hubeysan.

Guddida baarlamaanka Britain ee arrimaha dibedda ayaa dalbaday in Xukuumadoodu cadeyso kolka ay ciidamada Maraakiibta la socdaahi rasaas ridi karaan.

Dawlada Britain ayaa shaacisay in ay dalkeeda ku qabaneyso shir looga arrinsanayo arrimaha Soomaaliya bisha Februery ee sanadkan.

 

Qurbejoog-London

contact@somalidiasporanews.com