Uncategorized

Baarlamaanka Somalia oo Maanta la horgeynayo Mooshinka ka dhanka Raysal wasare c/wali shiikh

qq

Muqdisho 11/11/2014(SDN/QJ)Baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa in maanta la horgeeyo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare C/weli Shiikh Axmed iyadoo amniga xarunta baarlamaanka loo adkeeyay si ka duwan sidii hore.

Xildhibaannada baalramaanka ayaa lagu wadaa in loo qaybiyo mooshinkan si ay u soo akhristaan, ugana doodaan maalmaha soo socda, iyadoo ciidammo aad u fara badan lagu daadiyay hareeraha xarunta baarlamaanka iyo jidadka soo gala.

“Ajandaha baarlamaanka Soomaaliya ee maanta waa mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha, kaasoo loo qaybin doono xildhibaannada si ay indho-indheyn ugu sameeyaan, kaddibna uga doodaan,” ayuu u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah xildhibaannadii mooshinka keenay.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in xukuumaddu ay kasoo bixi wayday howlihii loo igmaday, taasna ay sabab u tahay inay ka keenaan mooshinka maanta la horgeynayo baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan u aragnaa in xukuumaddu ay ku guul-darreysatay howlihii laga doonayay inay qabato, waxaana taas caddeyn u ah in golaha wasiirradu ay u kala jaban yihiin laba qaybood oo garab ka mid ah uu taageersan yahay RW Soomaailya,” ayuu yiri mudane Jeesoow.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda dalka uu horseeday inay howlaha dowladda oo dhan hakadaan, iyaguna ay ku rajo weyn yihiin inuu isbedel dhaco si ay howlaha dowladdu u sii socdaan.

Dhanka kale, xubnaha kasoo horjeeda mooshinka ayaa horay uga digay in haddii mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha la horkeeno baarlamaanka uu ka dhici karo gacan ka hadal, iyagoo ku goodiyay inay mooshin kaas la mid ah ka keeni doonaan guddoonka baarlamaanka.

Mooshinka maanta la horgeynayo golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in muranka labada mas’uul ee dalka ugu sarreeya lagu hakiyo.

Muqdisho SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com