Muqdisho Nov 13,2012(SDN)-Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa fadhi uu maanta yeeshay waxa uu cod ugu qaaday xukuumada uu dhawaanta soo magacaabay Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon(SAACID).
Fadhigii maanta oo uu shir guddoomiyay afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari waxaa ka soo xaadiray 225ta mudaneyaal.
Raaisul wasaare Saacid ayaa fadhiga intaanu bilaaban kulan ilbaabadu u xiran yihiin waxa uu la yeeshay mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya.
Ka dibna waxa uu raiisul wasaare Saacid ayaa sharaaxaad ka bixiyay 10ka wasiir ee uu dhawaanta magaacaabay.
Waxaanu sheegay in xubnahahn u ku doortay karti,aqoon iyo hufnaan ay uga soo bixi karaan hawsha adag ee loo igmaday.
Intaa ka dib Guddoomiyaha baaelaamaanka ayaa amray in codka kalsoonida loo qaado.
Waxaana xukuumada lagu ansixiyay cod aqlebiyeda ka dib kolkii 219 mudane ay ansixiyeen 3na weydiideen 3 kalena waa ay ka amuuseen.
Ansixinta xukuumada cusub ee Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyay waxa dood deedu ay ka socotay Baarlamaanka Soomaaliya.
