|

Bacaha Yaryar Ee Shaaha  Oo La Sheegay In Leeyihiin Khatar Caafimaad !

Hargaysa 03. February 2017 (SDN/QJ):- Bacayaha yar yar ee aynu ku isticmaalo shaaha madaw ee aynu naqaano Libton-ka ayaa waxa la sheegay inay leeyihiin dhibaatooyin caafimaad, balse dad badan oo inaga mid ahi waxay aaminsan yihiin in aanay wax dhib ah lahayn.

Warbixn ay soo saareen khubaro ka soo jeeda Dalka Germany oo Wargeyska Himilo tarjumay ayaa lagu cadeeyey in bacahani ay leeyihiin dhibaatooyin caafimaad isla markaana ay bacahaasi xambaarsan yihiin maadooyin sababi kara cudurka Cancer-ka. khubaradan oo ka socday jaamacada Ambralad ee Dalkaasi Germany ayaa waxa kale oo ay xaqiijiyeeen in Bacda ama warqada yar ee cad ee uu ku jiro shaahu ay ku jirto maado loo yaqaan epichlorohydrin oo loo adeegsado samaynta waraaqaha iyo sidoo kale Caagaga iyo suntan lagu buufiyo Cayayaanka, waxaana soo bandhigtay warbixintab Science Daily ee ka faaloota arrimaha caafimaadka .

Comments are closed