Hargasya 02.March 2013 (SDN) Guddoomiyasha Maxkamadaha Hargeysa iyo qaar ka mid ah Garsoorayaasha ayaa Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedeyey in ay farogalin qaawan ku hayso garsoorkii dalka, sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka, Degmada, Rafcaan iyo xubno garsooryasha ka mid ah ayaa wax ay tilmaameen in xukumadu faro galin qawan ku hawso garsoorka dalka, iyaga oo si gaar ah u sheegay in wasiir ku-xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor uu si badheedh ah uu ugu soo qoray warqad ka hadlaysa dhul beered laysku haysto oo dacwada dhulkaasi ay maxkamada ka socoto oo uu isaguna ku amrayo in la joojiyo, taasina ay tahaybay yidhadeen faro galin qaawan oo ay uu ku hayo hay’ada garsoorka oo ah mid madaxbaan, wax kale oo ay dhalacey u jeediyeen xubno kale oo ka mid ah golaha wasiirada oo ay sheegen in habeen iyo maalin ku hay’an faro galin qawan.
Taasina ay leexinayso Cadaaladii ay dadka reer Somalialnd ugu kala garsoorayeen, wax kale oo ay sheegen in haaddii Nimanka shaadhka Wasiirada xidhani faragalinta ka joojin waayaan ay dhib weyni ka imandoonto Cadaaladii dadku u sinaayeen.
Guddomiyaha Maxkamda Gobolka Faysal Dhago-dhago, Gudoomiyaha maxkamada Rafcaanka cabdirashid duraan, iyo garsoorayal faro badan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
Shirkii jaraa’id ee ay qabteen oo aad u kulula halkan goor ka dhegeyso.
