|

Bangiga Barlays oo albaabada u laabay Xisaabaadkii Xawaaladaha Somalida

London 30.Sep 2013 (SDN)-Bangiga Barclays ayaa maanta xiraya akoonkii ugu dambeeyay ee xawaaladaha Soomaalida oo dadka ku nool inigiriiska u suura gelin jiray inay lacag u diraan ehelkooda ku nool gudaha Soomaaliya.

barclays1-300x290Madaxa Ololaha siyaasadda ee Oxfam Ben Phillips ayaa sheegay in maanta Soomaalidu ay u tahay maalin murugo, kaddib go’aanka Bangigu uu ku xirayo akoonnada xawaaladaha.

Wuxuu xusay in marka laga soo tago lacagta ay Soomaalidu u diraan eheladooda ay sidoo kale adkaan doonto in si fudud lacagta gargaarka loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Ben Phillips ayaa tilmaamay in xukuumadda Britain aysan sidii la rabay ugu hor-tagin go’aanka Barclays uu ku xirayo akoonnada xawaaladaha Soomaalida.

Wuxuu ugu baaqay maamulka Bangiga Barclays inuu dib u dhigo xiridda akoonnadii ugu dambeeyay ee xawaaladaha oo maanta ku beegan, isla markaana uu ku dadaallo sidii ay u sii shaqeyn lahaayeen xawaaladaha, si aysan u istaagin faa’iidada xawaaladaha ay u hayaan bulshada Soomaalida.

London SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed