|

Barashadii Geeddi: ‘Col ku galay, cabsi ku gu reeb’!

Kulan aan qorshaysnayn ayay ka dhalatay is barashadii na dhex martay. Si lama filaan ah ayay wax waliba u dhaceen,. Geeddi muuqaalkiisu kama turjumayn qofka uu yahay iyo aqoontiisa toona. Talyaani yar buu ahaa. Hidde-sidayaashiisa DNA gu Soomaali weeye, laakiin si kasta oo kale ba waa u Talyaani. Maalintii iigu horaysay ee aanu wiishka (lift) ka dhismaha ku kulanay, si xun buu ii eegay, aniguna ugama raynin. Si xun iyo si ka sii xun ba waan u eegay. Anaka oo aan wada hadlin baanu is dilnay. Haa, waanu is dilnay, laakiin wax dhiig ahi ma ku daadan. Gacanqaadka nacasnimada ah ee ay Soomaalidu sabab kasta oo fudud u gu kacdo, ee weliba ku faanto, ee rag waawayn suuqa la kala jiido ma aan doonayn, nin lala dagaalamo se wuu ahaa. Wakhtigii koobnaa ee aanu wiishka wada saarnayn waxa ay ahaayeen ilbidhiqsiyo kooban, oo hadana si u badan. Shuufitaanka la sheegaa waa waxaas oo kale. Maalmo kale na sheedda ayaa ka arkaayay isaga oo dhismaha u socda ama ka yimid, laakiin markani waxa ay ahayd markii u horaysay ee aannu is wajahno.
Malaha tii la socotay ee aan eegay buu ka xanaaqsanaa. Ragga carabta ayaa waxaas oo kale ka kululaada. Kolka ay gabadhi la socoto, si dhab ah ayay giir isaga kiciyaan baan maqli jiray. Taloow miyuu is carabaynayaa isna? Mooyi. Laakiin anigu runtii labiskeeda uun baan la yaabay, fiirintayda na taas baa keentay. Dhar qaab daran, oo hadana kala wada midab ah ayay wadatay, waanay cod dheerayd. Labiskeeda iyo codkeedu si mutuxan buu qof kasta oo aan u jeedin u gu baaqaayay. Qof Khasab kugu soo jeedinaysa, oo indhaha iyo dhegaha ba u baaqaysa ayay ahayd. “Miskiin”, baan hoos u idhi. Hadii sababtu ay gabadha ahayd, waa hubaa in marar badan oo kale uu xanaaqi doono.
Laba maalmood ka dib, mar kale waanakan barxadda hore ee dhismaha, gaar ahaan halka lagu nasto ku kulannay. Si baanu isugu dhoolacadaynay, niyad se ma ahayn. Waa muuqatay in labadayaduba aanu dareenkayga dhabta ah ka been sheegayno. Waxa ay u ekayd mid kastaaba in uu is leeyahay ha u muuqan qof gun ah, oo waxoogaygii maalintii dhawayd xasuusan. Haa, anigu sidaas baan is lahaa, laakin si dhab ah baan u xasuusnaa wixii maalintii. Waa xasuustaa sidii xumayd ee aanu isu eegnay ee isha isugu gubnay, iyo sidii xumayd ee aanu isu dhaafnay anaka oo aan wada hadlin.
Markan waanu is bariidinay, anaka oo sii wadna wixii jilitaanka u eekaa. Bariido qabow ka dib, “Magacaygu waa Faarax” baan ku idhi, isna wuxu ii celiyay, “Aniga na waa Geeddi”. “Dhismahan baan deganahay”, buu sii raaciyay; “Aniguna waa deganahay”, baan u celiyay. Ma waydiin xataa dabaqa uu dhismaha ka deganyahay, isna ima waydiin. Dhawr maalmood oo dambe ayaanu meelihii ku kulanaay, si saaxiibtinimo ka muuqato ayaanan isu bariidinaa. Maalin dambe oo aan fadhiyay isla barxaddii caamka ahayd, ee dadka dhismaha degani wadaagaan, ayuu Geeddi Ila soo fadhiistay. Cabbaar baanu sheekaysanay. Is barasho hor leh, iyo sheeko dheer ayaa bartaas ka curatay. Nin geeljire ahi in uu dhalay, oo uu ku dhashay miyiga Shabeelada Hoose, waa dhulka ay Marka u tahay xudunta, ayuu ii sheegay; iyo in sidii Soomaalida caadada u ahayd, uu aabihii ku dhintay dagaal beeleed isaga oo aad u yar, hooyadii na kaba sii horaysay. Qoys Talyaani oo Marka deganaan jiray ayaa Geeddi korsaday, iyaka ayaana Talyaaniga la aaday horaantii todobaatameyadii qarnigii hore.
Isaga oo aan tobanka gaadhin ayuu qoys ajnebi ah ubad u noqday. Halkaas weeye Meesha Geeddi ay ku wiiqmeen afkiisa iyo dhaqankiisa Soomaalinimo. Sidaas oo ay tahay, waa nin aqoon badani ku duugantahay, oo xog-ogaal ah. Kulammo aan ku-talagal ahayn oo dhawr ah ka dib, maalin Axad ah ayaanu ku ballanay in aan si hagaagsan u wada fadhiisanno oo sii sheekaysanno, waanay dhacday. Makhayadaha Galbeedka Nairobi ku yaalla midkood, oo Talyaani leeyahay baanu fadhiisanay. Si fudud baa loo dareemi karaa af-talyaanigu sida uu saamaynta u gu yeeshay Soomaaligiisa. In kasta oo af-soomaali uu ku hadlaayay, hadana marar badan baan af-ingiriis miciinsanay oo warka xooggiisa ku wadaagnay.
Si kasta oo afka iyo dhaqankiisu u gu wiiqmay mudada badan ee uu Talyaani-la-daaqqa ahaa, hadana waa nin Soomaali siyaabo badan u ah. Waxa uu ka sheekeeyay magaalada Milan ee uu noloshiisa badankeed ku qaatay. Xaafadihii Milano ee uu ku soo koray, gaar ahaan Quadronno iyo Piazza Duomo ayuu soo qaaday marar badan. Wuxu sawir ka bixiyay Geeddi oo yar, oo qoys caddaan ahi ku korsadeen magaalo caddaan. Wuxu sawiray iskuulkii uu dhigan jiray, iyo sidii uu caruurta kale uga muuqaal duwanaa, iyo sida ay taasu u dhibi jirtay ama loogu dhibi jiray. Qoyska korsaday waxba kama hagran, isna waxba iskama hagran halgankii uu noloshiisa u soo galay. Dadaal iyo naf hur ka dib, jaamacadda Milan ayuu ka qaatay laba digrii oo taariikhda iyo qaanuunka ah, wuxuuna la shaqeeyay booliiska Milan. Shaqada booliiska uu ka qabtay, gaar ahaan qaybta dabagalka musuqqa, ayaa indhaha xoog u gu furtay. Soomaalida iyo Talyaaniga wixii dhex maray, ayuu si toos ah iyo si dadban ba u ogaaday. Taas weeye midda la sheekaysiga Geeddi xiisaha goonida ah u yeeshay, waana isla taas midda Geeddi dhistay fiiradiisa amaba fahamkiisa waayaha Soomaalida.
Geesta kale, waxa uu sheegay in uu guursaday, laakiin aanay guurarkiisii kala dambeeyay shaqaynin. Wuxu sheegay in uu cabsi ka qabo haweenka, in uu banaanka ka maro na ay la noqotay, u gu yaraan wakhtiga gaaban. Nin kontomeeyadii cimrigiisa ku jira, oo hadana leh wakhtiga gaaban, waa isu kay qaban weyday. Mawduucaas ma xiisaynayn, waxaanan ku idhi – markaa xaalkaagu waa ‘Col ku galay, cabsi ku gu reeb?” Dabcan maahmaahdaas ma uu fahmin, kolkii aan jilciyay se si fiican ayay uga dhaadhacday. Maahmaah Talyaani taas la ujeeddo ah buu Geeddi keenay. Malaha in uu cadeeyo in uu maahmaahda Soomaaliga ah fahmay ayuu doonaayay.
Afku sidiisaba, ma aha uun aalad fududaysa is fahamka dhex mara laba qof ama ka badan, ee wuu ka sal balaadhanyahay. Afku waxa uu xambaarsanyahay dhaqan, caadooyin, qaab-fikir, diin iyo akhlaaq cayiman, waxaas oo wadar ahaantood la isku yidhaahdo ahaansho (identity), ahaanshahaasu in uu maqanyahay ama joogo na, halka u gu horaysa ee laga gartaa waa afka. Dhalinta dhiig ahaan Soomalida ah, laakiin qurbaha ku koray ama kuba dhashay xaalkooda ayaa taas tusaale fiican u ah. Waa dad Soomaali ah hadana aan si u ahayn. Waa dad inaka ah, oo hadana iyaka ah – Swedish, English, German ama Carab iwm. Is diidadu Meesha ay ka socoto iyo muraayadda u gu weyn ee laga dheehan karo xaqiiqada jirta waa afka. Haa, waa afka. Qofku umad aanu afkooda aqoonin kama mid noqon karo, xataa hadii uu dhiig ahaan ka soo jeedo. Runtu taas weeye.
Anaka oo hadlayna, ayaa TV na hor yaalay oo war ka socday, muuqaal iska caadi ahi soo galay. Muuqaalkaas iyo faallo dheer oo ka dhalatay ayaa noo noqotay mawduuc aan ka sheekayno, oo hadba dhinac ka joogsano. Maalmahaas oo ku beegnaa bishii 1aad ee 2021 kii, waxa jiray buuq ku saabsan xukuumaddii Talyaaniga oo dhacday ka dib kolkii ay lumisay kalsoonidii baarlamaanka. Taasi waa wax caadi ka ah wadankaas, joogto na u ga dhaca. Waxa soo muuqday Ra’iisal Wasaarihii Giuseppe Conte, oo baabuur madow oo dhalaalaaya lagu wado. Waxa uu sii gelaayay Qasriga Quirinal ee Madaxtooyada (Palazzo del Quirinale), wuxuuna u socday si uu warqadda is casilaaddiisa u gu dhiibo Madaxweynaha. Kolkaanu muuqalkaas fiirinay, ayaan ku idhi – horta meeshiinaas maxay xukuumaduhu la dhacaan had iyo jeer? Sheeko siyaasad iyo taariikh isugu jirta oo dheer baanu galnay, Geeddi baana darawal ka ahaa.
Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaare Giuseppe Conte hogaaminaayay ee January 2021 dhacday waxa ay ahayd tii 64aad ee burburta ka dib dagaalkii labaad. Taasi waxa ay ka dhigantahay celcelis ahaan in sanadkiiba mar ay xukuumadi dhacdo waddankaas. Runtii taasi ma aha wax sinaba caadi u ah caam ahaan dunida, wadamada Yurub na hadalkeeda ba daa. Meeshiina maxaa ka qaldan ayaa aan u gu celiyay aniga oo yaabban. Inta uu qoslay, ayuu yidhi maahmaahdii kolkii dhawayd aad sheegtay– Col ku galay, cabsi kugu reeb – ayaa u gu wacan waxa Meesha ka dhacaaya. Umad kasta waaqicca ay ku nooshahay, waxa uu xidid ku leeyahay ama ka soo jeedaa duruufo iyo waaqic kale oo ka horeeyay. Ayuu si kalsooni leh u yidhi. Si yaab leh buu u kala dhigdhigay ciladdu waxa ay tahay. Waxa uu Geeddi yidhi – waa taariikh dheer, laakiin tan u gu muhiimsani waxa ay ku aroortaa ninkii Benito Mussolini iyo nidaam-xukun kiisii Faashiistaha.
Ninkaasi, buu Geeddi yidhi, waakii Talyaaniga qabsaday, ee sidii Maxamed Siyaad oo kale, xukunka haystay muddo 21 sanadood ah – 1922-1943. Ninkaasi waxa uu ahaa keligii taliye, wax kasta oo dimuqraadiyad iyo talo wadaag ahaa oo wadanka ka jiray isaga hortii na, gacmihiisa ayuu ku dumiyay. Duruufo adag oo dhaqan-dhaqaale, muran siyaasadeed aan dhamaad iyo ujeedooyin waawayn lahayn, mudaharaaddo demi waayay iyo fadhiidnimo siyaasadeed oo waddanka ragaadiyay ayaa jidka u furtay soo bixitaanka digtaatoorkan. Sidii Maxamed Siyaad iyo Kacaankii Oktoobar oo kale, ayaana kolkii hore loo riyaaqay Musalini iyo nidaamkiisii Fashistaha. Wuxu suuliyay murankii siyaasadda oo dhan, sababta oo ah saaxaddii siyaasadda iyo xorriyaddii ba wuu laalay, dhaqaalihii iyo milatarigii ayuu dib u dhisay, saamayntii debedda ee Talyaaniga na wuu xoojiyay.
Dhab ahaan wuxu sameeyay oo ka tegay horumar la taaban karo, oo xataa tareemada Talyaaniga ee maantadan la adeegsado xiligiisii baa la dhisay. Sidaas oo ay tahay, keligii taliye amaan, magac iyo taariikh waarta toona ma laha. Ka dib 21 sanadood oo uu hayay xukun ku dhisan maroorsi iyo aniga ayay igu go’daa, aakhirkii gadood shacbi baa lagu riday. Isaga iyo xaaskiisii oo baabuur ku dhuumanaaya, oo is leh waddanka Isbayn u baxsada, ayaa dad shicib ah oo gadoodsani qabteen. Labadoodii ba meel fagaare ah ayaa lagu toogtay, xataa maydadkoodii laba birood ayaa laga soo laalaadiyay iyada oo madaxu hooseeyo, dadka ayaana candhuufayn jiray. Sidaas buu masiirkoodii ku dambeeyay. Shan ama toban sanno oo sharci ku dhisan hadii uu xukunka hayn lahaa, si sharaf leh ayuu u noolaan lahaa, oo taariikh la akhriyo ka tegi lahaa, ma se dhicin.
Si kastaba, nacaybkii loo qabay keli-talisnimada, iyo xukun qof iyo koox kooban ku urura oo laga fogaanaayo, ayaa waddanka loo qoray distoorka ilaa manta lagu dhaqmo. Waa distoor adkeeyay, oo si ula kac ah u adkeeyay, in qof ama kooxi na keligeed wax xukunto. Waxa laga cabsi qabaa in xukunku gacanta u galo qof keliya ama koox keliya, waxaana maanka lagu hayaa cahdigii Benito Mussolini. Ninkaas raadkiisii ayaa weli ka muuqda siyaasadda Talyaaniga, waana ta keenta in had iyo jeer kooxaha siyaasaddu ay murmaan, dimuquraadiyadda Talyaanigu na ku sifowdo mid aan caafimaad qabin. Kooxaha siyaasadda ee waddanku waxa ay u kala baxaan, oo baarlamaanka na u kala fadhiyaan, kudlado mabaadii siyaasadeed ku salaysan.
Tusaale ahaan, kooxaha Midigta xagjirka ah, amaba ‘Faashiistayaasha’ cusub’, dhinaca midigta ayay fadhiyaan. Dhinaca kale ee bidixda waxa fadhiista Shuuciyiinta; badhtamaha na, xisbiyada dhexdhexaadka ah, waana kuwa loo yaqaan dimuqraadiyiinta masiixiga ah. Kooxdan u dambaysa ee badhtanka ayaa inta badan xukunka Talyaaniga haysa, waxa ayna ku khasbanyihiin in ay xisbiyada kale ee ay hadba is fahmi karaan la bahoobaan si baarlamaanka ay kalsooni uga helaan. Laakiin is bahaysigaas siyaasadeed ayaa had iyo jeer u burbura sababo badan oo kala duwan. Mararka qaarkood gudoomiyayaasha xisbiyada ayaa isa seega. Mararka qaarkood xisbi hebel ama xisbi kale ayaa dareema in aan dantiisii loo soconin. Waxa ay taladu ka dhexaysaa siyaasiyiin ay aad u yartahay waxyaabaha ay heshiiska ku yihiin, waana adagtahay in muddo dheer la isku hayo dano nooc walba leh, oo si walba isu diidan. Halkaas buu ka yimaadda kaacaakufka siyaasadda Talyaanigu, waana mid toos u gu xidhan dhaxalkii Benito Mussolini oo weli lala noolyahay. Sidaas ayay maahmaahdii ‘Col ku galay, cabsi ku gu reeb’, meeshan munaasib u gu tahay, buu yidhi.
Isaga oo hadalkii sii wada, Geeddi waxa uu yidhi – hadda meeshii waxa loo dhiibay Mario Draghi, waana siyaasi sumcad weyn ku leh Yurubta kale, ma aha Talyaaniga. Waa dhaqaale yahan madax ka noqday bangiga Yurubta midowday, waxaanu lacagta Euro loo yaqaan ee wadamada Yurub badankoodu isticmaalaan kala soo dabaashay xiliyo aad u adag, sida dhaqaale kuududsigii 2008 oo kale, markaas oo loo baqay in lacagtaasu fashilanto, waanu ku guulaystay siyaasadihiisii. Taas baa keentay in Yurub looga yaqaan naanaysta ah Super Mario, laakiin masraxa waalan ee siyaasadda Talyaaniga wax badan oo uu ka tari karaa ma jirto isaga iyo qayrkii toona, xaalku na noocaas uun buu ahaanayaa ilaa nidaamka siyaasiga ah lagu sameeyo is bedel gun-iyo-baar ah.
Eeg, xaalku ma aha Talyaaniga oo keliya. Soomaalida iyo siyaasadeeda miyaanad u fiirsan? Buu yidhi. Saw raadkii Maxamed Siyaad saamayntiisa ma ku laha siyaasadda Soomaalidda ilaa maantadan? Saw baarlamaan, Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare midba reer yahay Meesha ma ku murmaan, ilayn Soomaalidu xisbiyo qaab fikir iyo falsafad ku abaabulan ma lahee? Sababta sidaas loo yeelay, ee distoorka loogu qoray in qaab-dhismeedka dawladdu sidaas ahaado, saw ma aha cabsi laga qabo in xukunku qof keliya gacanta u galo, dabeeto dib xukunka loo gu dagalamo? “Haa”, ayaa ku idhi. Laakiin hadii cabsida hal wax laga qabo, waxaas oo ah keli-talisnimo, ay soo xidho rajadii laga qabay, amaba laga qabi lahaa dawlad shaqaysa, saw nacasnimo kale ma aha? Ayaa ku idhi. Waxa aan u gu daray – idinku waddan dhaqaale leh, isla markaana la qabsaday is bedbedelka xukuumadaha, taariikh dheer oo dimuquraadiyadeed na ku fadhiya ayaa tihiin, laakiin Soomaalida xaalkeedu sidaas ma aha. Muranka aan dhamaadka lahayn ee Madaxwaynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Xubnaha Baarlamaanka dhex maraa ma aha mid dhamad leh, xoolaha yar ee la hayo na, olole xukuumadda ama Madaxweynaha lagu badbaadinaayo ayaa lagu isticmaalaa marar badan.
Marka ay sidaas tahay, miyuu wax noocaas ahi shaqayn karaa, xataa hadii boqol sanadood oo wakhti ah la siiyo? Geesta kale, hadii Talyaanigu ay ka heshiiyeen wixii dhacay, hab-dhaqankii nidaamkaas keli-taliska ah na si wada jir ah loo diiday, distoor na laga samaystay, dhinaca Soomaalida xaalku sidaas ma aha. Nidaamkii 21 ka sanadood waa lagu kala aragti duwanyahay – dad xoog ula dhacsan, kuwo xoog u diidan, iyo kuwo kale oo aan danba ka lahayn ayay Soomaalidu u qaybsanyihiin. Sidaas darted, kol hadii aan isku si loo arkayn waxa dhacay iyo sababta uu u dhacay, saw ma adka in la dhiso nidaam mustaqbal lagu beegsado, oo wakhtigii tagey na looga gudbo? Ayaa aan idhi.
Geeddi oo si wacan u dhegaysanaayay warkayga ayaa dooddii qaatay. Wuxu yidhi – horta ninyahow dhaqanka siyaasiga ah ee waddan kasta ka jiraa waa mid ka turjumaaya waayaha ummad kastaa ay soo martay. Talyaaniga waaniga kuu sheegay in ay jiraan kuwa Midigta fog ah oo loo yaqaan Fashiis ka cusub. Ninkii Musalini ahaa ilaa hadda dad la dahcsani waa joogaan, waana joogi doonaan. Xukuumadaha Talyaani ee marba dhaca, si ay cimrigooda u yar dheereeyaan, laaluush siyaasadeed oo manaasiib ah, iyo laaluush dhaqaale ba waa ay bixiyaa. 1992 gii baadhitaan lagu sameeyay siyaasadda Talyaaniga, dhamaan waxa ay wada noqdeen musuq, kaas oo lafta iyo dhuuxa nidaamka u dhaadhacay. Hadana sidaas oo ay tahay, u gu yaraan nidaamkaas nugul ee lagu socdaa waa mid lagu heshiiyay, wixii lagu heshiiyaa na ma qadhmuuna. Hadda in dib-u-habayn nidaamka siyaasiga ah iyo qaab-dhismeedka xukuumadda lagu sameeyo ayaa aad loo ga hadlaa Talyaaniga gudahiisa. Si kasta oo nidaamka Talyaanigu tacbaan u yahay, hadana waxa ay geesta kale dareemaan, oo sina u gu han weynyihiin, in ay dajisteen nidaam ka hor tagaaya in talo maroorsi dhaco. laakiin taas ayaa dhib weyn si kale u gu ah waddanka iyo dawladnimadiisa, Talyaaniga ayayna u taallaa waxa ay ka yeelayaan. Dawladnimada iyo nidaamka siyaasiga ahi waa mid u baahan hagaajin iyo ilaalin joogto ah, mana qabyo beesho.
Geesta kale, Geeddi waxa uu ka sheekeeyay qayb kale oo xiiso leh oo noloshiisa ka mid ahayd, oo uu si u gu xidhay sheekadii aan wadnay. Waxa uu sheegay, in odaygii soo korsaday iyo islaantiisa, iyo xataa ehelkiisa oo dhami ay ahaayeen dadkii la dhacsanaa nidaamkii Faashiiska. Waxa uu yidhi – ilaa maalintii uu dhimanaayay odaygaasi, Mussolini iyo maalmihiisii wuu hadal hayn jiray oo qiiroon jiray kolka la ga sheekeeyo, amaba uu isagu ka sheekaynaayo. Nidaam kasta oo jiraa, si kasta oo uu u xunyahay, oo digtaatoor u yahay, hadana dad taageersan baa jira. Waaniga ku leh baarlamaanka Talyaaniga ayay ku jiraan kooxo Faashiistayaasha Cusub la dhaho. Dadka taageersan nidaamkaas, sida odaygaas I soo koriyay oo kale, xataa iyaka oo qalad wixii uu lahaa fahamsan, ayay hadana taageeraan sababo kala duwan awgood. Odaygaasu Soomaaliya aad buu u yaqaanay, aad na wuu iiga sheekayn jiray. Wax kasta oo laga qoro ama laga yidhaahdo Soomaaliya wuu hayay, nidaamkii Maxamed Siyaad na lama dhacsanayn. Wuxu odhan jiray qaladaadkii Benito Mussolini kuwo u eeg buu Siyaad Barre samaynayaa. Wuxu odhan jiray, labada nin xataa qaab-dhismeedkooda jidheed, hadaladooda aftahamadu ku badantahay, iyo jacaylka ay jeclaayeen in ay wax qabtaan intuba waa isku mid, laakiin xukunka ay keligood isa siiyeen, cid kasta oo ay uga baqaan na cagta mariyeen, baa labadaba halaagay.
Talyaaniga aad baa looga yaqaanay Siyaad Barre. Odaygii i korsaday waxa uu odhan jiray, Soomaaliya waa janno aduun, laakiin dawlad micno leh baan marnaba ka hano qaadin. Sidaas buu odhan jiray. Haa, dabcan janno micno lehi kama jiri karto meel aan dawlad micno lehi ka jirin, xeerka nolosha casriga ah baana sidaas dhigaaya. Anigu dib Soomaaliya ma u gu laaban sidii la iiga soo qaaday ku dhawaad konton sanadood ka hor, laakiin wax badani ma igu seegana. Eeg, kolka waddan uu keli-talis muddo ku habsado, ee sida caadadu tahay uu si xun iyo burbur Meesha kaga baxo, xaalad qadhaadh baa ka dambaysa. Xaaladaas sida looga bixi lahaa, iyo xataa in laga baxaayo midkoodna ma cadda mana fududa. Marka ay sidaas tahay, siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ba shaqo weyn baa u taalla, taas oo ah in awood kasta la isugu geeyo sidii loo dhisi lahaa dawladnimo shaqaysa. Laakiin hadana waaqicca Soomaalida marka la eego, waxa la moodaa in aanay waxba ka maqnayn ba. Sababo badan ayay taasu leedahay, waxaana ka mid ah, Soomaalidu in aanay dawladnimada taariikh dheer u lahayn, sababtaas darted na, aanay dawladnimo wax micno leh ka aqoon, inta ay ka yaqaaniin na ay dhibtii keli-taliska uun tahay.
Markii u halkaas marinayay, ayuu hadana khaanad kale furay ninkii Geedi-talyaani. Shucuurtiisa oo dhan ayaa kacday, marba kofiga hor yaal buuna kabanayaa. Eeg, aniga magaaladaydu waa Milan. Waa halka aan noloshayda oo dhan joogay, ee wax ku bartay, ee ka shaqeeyay. Magaalada Milan cilaaqaad gaar ah baa Soomaaliya kala dhexeeyay, cilaaqaad wacan se ma ahayn, buu yidhi. Anigu taariikhda iyo sharciga ayaa aan bartay, booliiska Milan na muddo dheer baan la shaqeeyay. Halkaas baan ka ogaaday wax badan oo ka mid ah wixii Soomaaliya ka dhacay. Milan waxa ku yaalay Rugtii Ganacsiga ee Talyaaniga iyo Soomaaliya (Italian-Somali Chamber of commers) , oo la furay 1978. Meeshaas ayay mari jireen shar iyo khayr ba wixii Talyaani ka yimaad ee Soomaalida khuseeyaa. Xataa xafiiskaasi waxa uu ka saamayn badnaa safaaraddii Soomaalida ee Rooma ku taalay, ee ciyaalnimadii aan u daawasho tegi jiray, ayuu yidhi.
Waxa aan xasuustaa, buu yidhi, weynaantii dhismaha, askartii ilaalin jirtay, baabuurtii ku safnaan jirtay dayrka safaaradda gudahiisa, dublamaasiyiintii Soomaalida ee badnayd iyo shaqaalahoodii. Intuba xasuustayda ayay si qayaxan u gu jiraan. Waxad ba moodaa in aan sidaas indhaha u gu hayo. Waxa kale oo aan u soo joogay, dhismihii oo ka guuraa noqday, oo dhirtu ku baxday, oo dad Soomaali iyo qayrkoodba leh oo qaxoonti ahi waraaqo iyo dhuxul ku dhex shitaan, oo dambas maydhan ah. Meel dhimatay oo qaran dhintay ka hadhay ayay u ekayd, ama way ahaydba.
U soo noqo Rugtii Ganacsiga ee Milan ku taalay. Waxa madax ka ahaa Paolo Pillitteri. Ra’iisal Wasare Bettino Craxi seedigii ayuu ahaa. Haa, waa seedigii oo la dhashay xaaska Ra’iisal Wasaare Craxi, isaga ayaana xilkaas u magacaabay. Siyaasadda Talyaaniga, dad qaraabo ahi in ay xilal isu magacaabaan caadi ayay ka tahay. Xeerka ka hor tagga qaraabokiilka (Anty-nepotism law) wuu jiraa, cidi se aad ma u dhowrto. Rugtaas ganacsiga loogu magac daray, xaqiiqo ahaan se ahayd uun xarun musuqq, ayay ku kulmi jireen lacago waalan iyo damacyo ka sii waalan. Lacagaha malaayiinta gaadhaayay ee la sheegi jiray in Talyaanigu ku caawiyo Soomaalida, shirkadaha Talyaaniga ee qandaraasyada waalan la siiyo, ee laaluushka laga guro (kickbacks), iyo weliba, hunguriga masuuliyiinta Talyaani iyo Soomaali ba leh ee labada dhinac ayaa rugtas ku kulmi jiray. Meel aad loo ilaaliyo, oo miisaan culus leh ayay ahayd. Malaayiin iyo malaayiin doolar ayaa lagu kala qaatay. Masuuliyiin Talyaani iyo Soomaali ba leh baa ka hodmay.
Shirkado Talyaani, gaar ahaan kuwa dhismaha, ayaa la siin jiray qandaraasyo aan laga fiirsan micnaha ay ku soo kordinayaan dadka/dalka Soomaalida. Tusaale ahaan, waddo dheer oo 250 milyan la sheegay in ay ku baxday, oo 450KM ah baa laga dhisay laba magaalo oo waagaas aad u yaryaraa – Garoowe-Boosaaso dhexdooda, cid badani na ma adeegsan jidkaas saxaraha dhex jibaaxaayay. Cisbitaal casri ah, oo aaladihii waagaas u gu dambeeyay lagu qalabeeyay ayaa Qoryoolay laga dhisay, waxaana ku baxday 40 milyan, laakiin cid daryeesha ayuu waayay oo Soomaalidu awoodba ma u lahayn cisbitaal noocaas ah in ay ka shaqaysiiyaan. Warshad soo saarta waxyaabaha ciidda lagu nafaqeeyo oo la sheegay in ay 90 milyan ku baxday ayaa Muqdisho laga dhisay, laakiin hal maalin na ma ay shaqaynin.
Ilaa 114 mashruuc oo kuwaasi ka mid yihiin, oo hal bilyan ay ku baxday, ayaa Soomaalida lagu magacaabay toban sanadood oo u dhexaysay 1981 ilaa 1990. Waxaas oo maydhan ayaa ka socday Meesha, Dawladda Talyaanigu na Siyaad Barre aad ayay u jeclyd, ama u gu yaraan sidaas ayay u muujin jireen. Ra’iisal Wasaare Bettino Craxi xataa booqasho ayuu ku tegay Soomaaliya badhtamihii sideetameeyadii, boqolaal milyan oo caawimo ah buu na Siyaad u gacan geliyay, waana booqasho RW Talyaani tii u horaysay u gu na dambaysay. Siyaad Barre isna wuu ka jawaabay taas, laba jeer buuna 1986 iyo 87 soo booqday saaxiibkii Bettino Craxi, aad na waa loo soo dhaweeyay. Cilaaqaadka labada nin u dhexeeyay ee shakhsiga ahaa, oo janalada rasmiga ah aan inta badan mari jirin, waxa si shakhsi ah u maamuli jiray wiilasha Siyaad Barre kan u weyn, oo la odhan jiray Xassan Maxamed Siyaad. Xassan waxa uu si joogto ah u deganaa Hotel Raphael, waa isla hoteel kaa Ra’iisal Wasaare Bettino Craxi laftiisa u ahaa deegaanka rasmiga ah intii uu xilka hayay. Xassan waxa uu go’aan ka gaadhi jiray arimo waawayn, laakiin wax xil ah kama hayn dawladda. Keliya in uu aabihii ahaa Maxamed Siyaad ayaa ku filnayd. Sidaas buu hudheello qaali ah u deganaa sanawaad, heshiisyo na ku saxeexi jiray.
Halkas baad ka fami kartaa, buu Geeddi yidhi, sida xaalku ahaa waagaas. Runtii in dawladnimada Soomaaliya sii degayso, muddo dheer ayay soo muuqatay, laakiin shirkadaha Talyaaniga iyo siyaasiyiinta Talyaanigu dan kama lahayn. Dumitaanka dawladnimada Soomaalidu kuma bilaabmin jabhadihii Talyaaniga iyo Itoobiya fadhiyay, keliya waxa ay ahaayeen cudur gudaha ka beermay uun astaamihiisii. Dawlad gudaha ka dihsan oo sharci ku shaqaynaysa jabhadi kumaba furanto, hadii ay ku faranto na, waxba kama qaaddo. Si kastaba, amuurta qosolka lehi waxa ay dhacday xiligaas uu Siyaad Barre 1987 booqashada ku joogay Rooma. Madaxweynihii waagaas ee Talyaaniga, Mr. Francesco Cossiga, oo ka dib kolkii uu Siyaad Barre ku qaabilay Qasriga Quirinal ee Madaxtooyada, saxaafadda la hadlay ayaa Talyaaniga iyo caalamka kale baa af buuxa u gu sheegay, in uu Madaxweynaha Soomaalida ku hambalyeeyay guushii balaadhnayd ee uu ka soo hooyay doorashadii 1987 ee boqolkii 99 ‘Haa’ lagu doortay!Saxafadda Talyaaniga ayaa sheekadaas aad u qaadaadhigtay, xataa baarlamaanka ayaa lagaga buuqay Wasiir Khaarajigii waagaas ee Talyaaniga, Mr. Gianni De Michelis, waxaana lagu eedeeyay in ay digtaatoor la shaqaystaan. Wasiir Michelis oo xanaaqay, waxa uu baarlamaanka ku yidhi – hadii digtaatoor kasta oo waddamada Afrika maamula aanu goyno, ma cid aanu la macaamilno ayaanu helaynaa? Hambalyada Siyaad Bare la maqashiiyay in aanay dhab ahayn ee la iska wada shaqaysanaayo ayuu si qayaxan u qiray.
Sidaas buu hadba caalam kala soocan, oo hadana si isugu wada xidhxidan u mushaaxay. Falanqayn dheer ka dib, inta uu xoog ii soo eegay, ayuu sidii oday sii dardaarmaaya warkii soo ururiyay. Waxa uu Geeddi yidhi – xaqiiqadu waxa ay tahay, casriga manta la joogo, umad bilaa dawlad ahi ma jiri karto. Soomaalidu sida Talyaaniga oo kale, in ay taariikhdoodii wax ka barato, mustaqbalkeeda na ku salayso ayaa qumman. Isticmaarkii waddanka waa hore ayuu ka tegay, laakiin siyaabo kala gedisan buu u gu lug lahaa Soomaaliya wixii ka dhacaayay ilaa ay ka duntay. Nidaamkii askartu, gaar ahaan Maxamed Siyaad, si masuuliyad leh ma u dhaqmin. Xukun jacayl iyo ku tumasho sharci ayaa la caadaystay, meelaha waxaasi caadiga ka noqdaan na waa dumaan. Jabhadihii nidaamka ku kacay laftoodu na, qorshe habaysan oo qaran lagu dhisaayo ma ay wadan, taas baana dhibta badan keentay. Isku soo wada duub, masuuliyad darro caam ah ayaa jirtay, weli na jirta. Anigu Soomaaliya ma u socdo, laakiin hadana maskaxdayda kama baxdo. Waxa aan malaystaa wax xun. Waxa aan is idhaahdaa Soomaalida malaha dhulkooda waa laga qaadi doonaa, iyaku na umad caalamka iskaga filiqsan ayay ku dambayn. Waa rajaynayaa in malahaygu beenoobo. Si taxadir leh buu sidaas u yidhi. Aniga iyo Geeddi barashadii na dhex martay khasaare ma ahayn.
Qalinka: M. Haaruun, (mbiixi@gmail.com

Comments are closed