|

Ururka Danaha guud ee Somaliland(Somaliland Concern Group) ee Uk oo shahado sharaf gudoonsiyey Abwaan Siciid Ilko jiir

London Dec31 2012(SDN) Xaflad balaran oo aad loo soo agasimay oo ay soo qabanqabiyey ururka Somaliland Concern Group ayaa lagu qabtay caasimada London xafladan oo ka socota Galbeedka londona.

Xafladan oo loo qabtay Abwaan Siciid Ilko jiir oo ah Abwaan Qaran una soo halgamayey xisbigii kulmiye ee talada Haya  ayaa waxa ka soo qayb galay aqoon yahano iyo waxgaradka reer somaliland ee UK.

Gudoomiyaha ururka Mudane Axmed Yasiin ayaa marka hore soo dhawayey dhamaan marti sharaftii  isaga oo ka hadlay in maanta qabyaladii oo markii hore shaadh xidhnayd aya hada si qawan  u soo baxay waxana uu shegay in maanta la soo gadhay in xiligii uu madaxwaynaha iyo wasiirkiisa Ariamaha Guduahu is casilo sidoo kale wasiirkii madax tooyada, waxa kale oo uu ka hadlay in isaga naftiisa maqaal u qoray lagu soo weraray oo dad badani  u hanjabeen ayna wax yeeli donaan.

waxa kale oo goobta ka hadlay Abwaan Siciid Ilko Jiir oo uga mahad celiyey Dhamaan dhalinyaradii ka soo qayb gashay iyo ururkan somaliland concer oo xafladan quruxda badan soo qaban qabiyey waxa kale oo uu ka hadlay in ilaa imika lagu hayo caga juglayn iyo taxese massage loo soo dirayo dad uu si toosa u garanayo taasa oo aan qurbejoog aan si toosa u aragnay cadayntina uu na tusay , Gabagabadii ayaa waxa uu mahad celiyey dhamaan ka soo qayb galayashaa abwaanka ayaa ku tilmaamay in maanta uu kacdoon ka bilambay wadanka London waxa kale uu la hadlay Wasiirka Madaxtooyada taas oo u cadeyey in uu wasiirka madaxtooyada ku tilmamay in uu been ka shegay  inaanu la soo hadlin waxa uu yidhi xirsi miyuu ilaway malintii aan ku kulanay Biristol waxa uu igu yiri heestadii waanu ku cano malay ee intaa beesha inaad ka saarto ayey ahayd, waxa kale oo uu shegay in uu hayo cadayn In Abwaanka Farax Murtiile la kulmay oo  isaga iyo faananka Cabdi Qaboojiye taasna uu cadeyey qurbejoog oo ahaa webkii u horeyey ee soo dhigana waxana uu uga mahad celiyey dhamaan shabakada qurbejoog iyo shaqalaheeda. waxa kale oo goobta ka hadlay dhalin yaro badan oo ka socota ururka somaliland concer group waraysiga uu siyey Abwaanka oo vidoyawa ka dhooro qurbejoog.com iyo sawiradii.

 

Qurbojeeg.com London

 

Comments are closed