Geneva Feb 09 2013 (SDN)– Hay’ada Cunada Adduunka ayaa sheegtay in dad gaaraya 1.6 Milyan ruux oo Soomaali ah,ay u baahan yihiin sanadkaan gargaar bini’adanimo ,kuwaasi oo ay ku jiraan inka badan hal milyan oo ruux oo xaalado adag ku qabsadeen gobolada dalka Soomaaliya.
WFP ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo xaalada dalka isbedel laga dareemo,iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay markale ka shaqeyn karto magaalo xeebeedka Kismaayo.
“Tani waa markii ugu horeysay oo muddo Afar sano ku dhow in hay’adaha gargaarka ka shaqeyn karaan deegaanadii ay Alshabaab ku xooganaayeen sida Kismaayo”ayaa lagu yiri warbixinta WFP.
Deegaanada ay Alshabaab maamulayeen ee koofurta Soomaalia ayay ku sheegtay inay ahaayeen deegaano afduuban,lagana joojiyay Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha kale ee gargaarka,inay gudaha u galaan gobolka gargaarna ay gaarsiiyaan.
Afhayeenka hay’adaasi Elizabeth Byrs,ayaa warbaahinta u sheegtay in dadkaasi oo u badan caruur iyo dad da’ah ay ku sugan deegaano ka tirsan magaalada Kismaayo ayna u baahan yihiin quudin,iyadoo xustay in gargaar la’aan ay heysato.
Sidoo kale Elizabeth Byrs,ayaa ku dhawaaqday in hay’ada ay ka bilowday magaalada kismaayo u gargaarida dadka ku sugan Kismaayo,gaar ahaan caruurta da’dooda ay ka hooseyso shan sano.
Hay’ada Cunada adduunka ayaa dalbatay lacag gaareyso 57 Million oo doolar si wax looga qabto gargaarka bini’aadanimo ee dalka Soomaaliya lixda bilood ee soo socota.
