Uncategorized

Xasan Sheekh: “Soomaaliyay ka gudba qabii una gudba qaran”

Muqdisho Feb 09 2013 (SDN)— Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka gudbaan marxalada qabiilka una gudbaan qaran.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inaysan faa’iido laheyn isqab-qabsi ku aadan arimaha jira balse ay wanaagsan tahay in waxyaabaha qaldan la isku sheego si loo saxo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in hada xaalada la taagan yahay laga gudbo sida uu sheegayna Soomaalida ay liitaan balse la doonayo in laga gudbo liidashadaasi.

Sida uu caalamka udaneynayo Soomaaliya ayuu sheegay inay wanaagsan tahay in iminka laga faa’iideesto balse aan lagu mashquulin arimo kale.

Dalka Soomaaliya ayaa iminka fooda kala soo baxaya sanado dagaalo ah iyadoo Dowladda iminka ka jirta dalka ay tahay mid aan KMG aheyn dhawaana Dowladda Mareykanka ka heshay aqoonsi ku aadan soo celinta xiriirkii dhanka diblumaasiyada.

SDN-Muqdisho