Uncategorized

Baydhabo: Doorashada Maamul U Samaynta K/Galbeed Somalia Oo Saaka Dhacaya iyo Liiska Musharixiinta oo Lagu Dhawaaqay

Baydhabo:03-March-2014 (SDN)-Waxa Gebogebo maraya Shirweynihii ka Socday Magaalada Baydhabo ee la Doonayey in lagu Dhiso Maamulka Koonfur-galbee Somalia, waxana Soo Baxay Liiska Musharixiinta u taagan Hoggaanka Maamulkaas.

baydGuddiga Doorashooyinka ayaa Ku Dhawaaqay Liiska cidda uu hurgurigu kaga Jiro inay Noqdaan Madaxda Maamulkaas qabanqaabadiisu muddada socotay.

Liiska ay Guddidu ku dhawaaqeen ayaa u dhignaa Sidatan.

1- Madoowe Nuunow Maxamed

 

2- Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti)

 

3- Xasan Maxamuud Abuukar (Dhuuqsane)

 

4- Ibraahim Maxamed Idiris (Leesto)

 

5- C/fitaax Ibraahim Geesey (Gudoomiyihii hore ee G/Baay)

 

6- Saalax Sheekh Cismaan

 

Waxa hore loosoo dhegaystay Khudbadaha dadkan musharixiinta ah iyo waxa ay qaban doonaan Haddiiba ay Codka Helaan, waxana ay Halkaas ka Akhriyeen Khudbado dhaadheer oo ay waxqabadkooda  ku muujiyeen.

 

Maanta oo isniin ah, isla-markaana Bishu tahay 3, 2014, waxa  loo balansanyahay inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka ka kooban 6-da Gobol.

 

Odayaasha Hormuudka u ah Shirka, ayaa sheegay in ay Saaka gelayaan Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana Doorashada ay ka dhacaysaa Xarunta ADC.

Shirkan ayaa waxa Garab socda mid kale oo isagana ay dawladdu taageersan tahay, waxana la doonayaa in midka  taageerada dawladda Haysta lagu dhiso Maamul ka kooban Saddex Gobo loo kaliya.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com