|

Beesha Caalamka oo Madaxweyne Biixi ka dalbatay cadeynta kala horeynta Doorashooyinka sanadkan

Hargeysa (qurbejoog) – Xubno ka mid ah beesha caalamka oo dhawaan booqday magaalada Hargeysa ayaa ka dalbaday Madaxweyne Biixi in uu kala cadeeyo sida ay u kala horeeyaan doorashooyinka dalka.

Xubnaha oo Somaliland ku amaanay doorashooyinka isku sidkanaa ee Baarlamaanka iyo Degaanada ayaa sheegay in Guddida doorashooyinka loo dabo fariisto mudeynta doorashooyinka dalka iyo kala horeyntooda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa booqashadii taarikhiga aheyd ee ay deeq bixiyeyaashu ku tegeen Hargeysa dabadeeed soo saaray guddi sharciga baarlamarsan oo uu sheegay in ay diiwaangelinayaan axsaabta dalka.

Mucaaridka ayaa dhawaaq dheer ku diiday guddida oo ay sheegeen in uu yahay mid baalmarsan shuruucda doorashooyinka dalka isla markaana dhan ka raran.

Axsaabta mucaaridka ayaa soo dhaweeyay hadalkan ka soo yeeray xubnihii beesha caalamka ee dhawaanta booqday Somaliland.

Hadalkan maanta ka soo yeeray deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa dhabarjab ku ah damaca Madaxweyne Muuse Biixi ee mudo kororsiga lagu eedeeyay.

Comments are closed