Beesha Isxaaq Carre oo Mawqif Cad Iska Taagtay Dib u Dhiska Tiyaatarka
Hargeysa – Tvsomalilandeurope.net ( TV SL E ).
Wednesday-08/12/2010
Waxan Qormadan Maanta aan ku Soo Bandhigi Doonaa, Martiqaad Qado oo Beesha Isxaaq Carre ay u Samaysay Besha Cidagale iyo Dawladda, Kulankaas oo Beesha Isxaaq Mawqif Cad Iska Taagtay Dib u Dhiska Tiyaatarka Hargeysa oo loo Tirinaayey in ay Hortaagan YihiinHawlihiiDib u Dhiska Tiyaatarka.
Martiqaadkan oo lagu Qabtay Hotel Xaraf Hargeysa, Waxay Beesha Isxaaq iska Leexisay Hadal Hayn Maalmahaa la Isla Dhex Maraayey oo ahayd in Qas Nabadgelyo Darro, Keeni Karta Horjoogsadeen Dhismaha Tiyaatarka. Waxayna Madaxdhaqmeedka,Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Isxaaq Kulankaa Qado Sharafta ahaa ugu Sheegeen in ay Beel ahaan Dhismaha Tiyaatarka Kala Mid Yihiin Beeelaha Kale ee Ku Dhaqan Caasimadda,una Hoggaansan Yihiin Sharciyadda uu Dib u Dhisku Ku Bilaabmay Kuna Socdo.
Munaasibadan oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirada warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljira), wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Dr.Xuseen Xoog). Waxa kale oo goob joog ka ahaa xildhibaano ka mid ah golaha wakiilada. Sidoo kale waxa kulanka ka qayb galay salaadiinta labada beelood ee Isaxaaq Carre iyo Ciida-gale, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaanka guud ee beesha Isaxaaq Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray iyo Suldaanka Abokor Muuse ee Ciida-Gale Suldaan Aadan Faarax.
Masuuliyiinta kale ee goobta kulanka ka qaybgalay waxa ka mid ahaa ganacsatada labada beelood qaarkood oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Axmed Boodhle Yuusuf, Maxamed Baarjeex, Maxamed Shugri, Cago-wayne (Star Group), Cabdi Beykin, Cismaan Hugur (Guuleed) iyo C/kariin Yuusuf Cismaan.
Salaadiinta kale ee goobta joogay waxa ka mid ahaa Suldaan Maxamuud Cabdi, Suldaan Cali Baane iyo Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib.
Masuuliyiinta dawlada iyo madaxdhaqameedka beesha Ciida-Gale ee kulankaas qado sharafeedka ahaa ka hadlay waxay beesha Isaxaaq uga mahad naqeen mawqifka wadaniyadu ku dheehan tahay ee ay iska taageen dib u dhiska Tiyaatarka Hargeysa.
Madaxdhaqameedyada labada beelood iyo waxgaradka labada beelood waxay cadeeyeen in dib u dhiska Tiyaatarku ay tahay arin mihiim ah oo waxtar u leh bulshada ku dhaqan caasimada, waxaanay xukuumada ku dhiiri galiyeen inay fududayso gacana ka gaysato hawlaha dib u dhiska Hoyga dhaqanka ee Tiyaatarka.
Ugu danbeyntii waxa hadaladii laga soo jeediyey kulankaa soo gunaanaday wasiirka duulista iyo hawada Maxamud Xaashi Cabdi, waxaanu cadeeyey in siyaasada xukuumadiisu ay tahay in la ixtiraamo go’aamadii uu maamulkii ka horeeyey bilaabay fulintooda oo xukuumada hada jirtaa ay ixtiraamayso.
Gun Dhigga Raad Raaca Munaasibadan:
Kulankan labada Beelood oo Qabsoomay 4 Sanno ka Hor, Kulankan oo Haldoorkii, Madaxdhaqmeedkii, Wasiiradii, Waxgaradkii iyo Ganacsatadii, Kulankaas oo Madaxdii iyo Akhyaarii Goob Joogga ahayd ay ku Muujiyeen Una Aasaas Dhigeen Nabadgelyada iyo Wada jirka labada Beelood ee Dalka iyo Deegan Wadaaga leh.
Waxa Is Weydiin Mudan, Waxan si Adag oo Ficil Wadata aan uga soo Hor Jeeda, Sababta iyo Danaha laga Leeyahay!!! Go’aamdii ay Waxgaradkii labada Beelood Afar Sanno ka Hor, ay Mawqifka Cad iyo Heeshiiska ku Dhamaysteen, Waxa Wasiirka Arrimaha Gudahu uu ka Wado!!!Waa Fidno Shidid, Qas iyo Isku Dhac Kooxo Tiro Yari ay Ku Jideysanayaa Dhul Boob oo Hantida Ma Guurtada ah ee Muwaadinka Dhabta ah lagu Bililiqaysanaayo.
Si Kooban Haddii aan u Dulmaro Qoraalkii uu Maayarka Caasimaddu Ku Saxeexnaa ee 28/09/14 ka Muuqatay Habka uu u Qornaa oo ay ka Maqneyd, Milgihii Masuul u Gudbin Lahaa Xidhiidhk iyo Anshaxa Wax Qorista. Waxa Qoraalka Maayorka ka Muuqatay Aqoon Yarida Maamul iyo Waayo Aragnimo!!! Heerka Masuuliyadda Boos Maayornimo, Waxay u Baahan Tahay Aqoonta Sharciga ama waa in uu Yeeshaa La Taliye Sharci Yahana ah ( Legal Advisor ).
Amarka Dhul Baneynta ee Maayorku uu Faray Ganacsade Cumar Caydiid in 15 Cisho Kaga Gurto Agabka ka Yaaley Barxadda u Dhaxaysa Tiyaatarka iyo DHH. Maayorku Qoraalkiisa Ku Sheegay in Madaxweynaha JSL uu Dhulkaa Siiyey labada ee Magacyadooda uu Qoraalka Ku Xusay. Waxa Kale uu Sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu Ku Soo Amar Fulinta Dhukaas. ma Jirin Sumad Qoraal oo loo Tixraaco oo Loo Cuskatay!!!! Waxay Karaamo Darro iyo Xaalad Abuur Ku Tahay labada Beelood ee Heshiis iyo Af Garad Ku Dhamaystay.
Sifaha Madaxweynaha JSL uu Dhulkan ku Siiyey , Maxay Tahay, Ma Sharcibaa???
Wasiirka Arrimaha Guduhu Dhulkan Mulkiyadiisa iyo Sharcigiisa uu Muwaadin leeyahay, Amar iyo Fulin ma Ku Mulki Wareejin Karaa iyada oo Hayadaha Sharciga ah ee Dalka Ka Jira aan la Soo Marin???
Su’aalahan Waxan u Dhaafayaa Reer Somaliland.
Gebagabo:
Waxan Ka Codsanayaa Odaayshii Kulamkii Hotel Xaraf ka Qayb Galay 08/12/2010 in ay Ka Hadlaan Qaladka iyo Gefka loo Geystay Karamka iyo Heshiisyada labada Beelood. Wasiirka Duulista iyo Hawadana Waxan Xasuusinayaa Hadalkii uu Ku Soo Gabagabeeyey Kulankaa.
Waxan Mar Kale u Digayaa Kooxaha Tirada Yar ee Dalka ka Wada Iska Hor Keenka, Magaca u Sitaba!!!
Waxan Qolka Kaydka Tv Somaliland Europe aan Idinka Soo Gudbinayaa Kulanka Labada Beeloo oo ay Daadihinaysay Munaasibadan. Taariikhdu Dadkay Hagtaa!!!!
Besha Isaxaaq Carre Oo Mawqif Cad Iska Taagtay Dib U Dhiska Tiyaatarka
Hargeysa(TVSLE) – Beesha Isaxaaq Carre ayaa shalay Marti qaad qado ah oo ay u samaysay beesha Ciida-Gale iyo Dawlada mawqif cad iska taagtay dib u dhiska Tiyaatarka Hargeysa oo loo tirinayey in ay hortaagan yihiin hawlihii dib u dhiska Tiyaatarka.
Marti qaadkan qadada ah oo shalay lagu qabtay Hutel Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxay beeshu iska leexisay hadal hayn labadii todobaad ee u danbeeyey la isla dhexmarayey oo ahayd inay beel ahaan qas nabad galyo daro keeni kara ku hor joogsadeen dhismaha Tiyaatarka, waxaanay madaxdhaqmeedada iyo waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Isaxaaq kulankaa qado sharafta ahaa uga sheegeen in ay beel ahaan dhismaha Tiyaatarka kala mid yihiin beelaha kale ee ku dhaqan caasimada, una hogaansan yihiin sharciyada uu dib u dhiskaasi ku bilaabmay kuna socdo.
Munaasibadan oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirada warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljira), wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Dr.Xuseen Xoog). Waxa kale oo goob joog ka ahaa xildhibaano ka mid ah golaha wakiilada. Sidoo kale waxa kulanka ka qayb galay salaadiinta labada beelood ee Isaxaaq Carre iyo Ciida-gale, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaanka guud ee beesha Isaxaaq Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray iyo Suldaanka Abokor Muuse ee Ciida-Gale Suldaan Aadan Faarax.
Masuuliyiinta kale ee goobta kulanka ka qaybgalay waxa ka mid ahaa ganacsatada labada beelood qaarkood oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Axmed Boodhle Yuusuf, Maxamed Baarjeex, Maxamed Shugri, Cago-wayne (Star Group), Cabdi Beykin, Cismaan Hugur (Guuleed) iyo C/kariin Yuusuf Cismaan.
Salaadiinta kale ee goobta joogay waxa ka mid ahaa Suldaan Maxamuud Cabdi, Suldaan Cali Baane iyo Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib.
Masuuliyiinta dawlada iyo madaxdhaqameedka beesha Ciida-Gale ee kulankaas qado sharafeedka ahaa ka hadlay waxay beesha Isaxaaq uga mahad naqeen mawqifka wadaniyadu ku dheehan tahay ee ay iska taageen dib u dhiska Tiyaatarka Hargeysa.
Madaxdhaqameedyada labada beelood iyo waxgaradka labada beelood waxay cadeeyeen in dib u dhiska Tiyaatarku ay tahay arin mihiim ah oo waxtar u leh bulshada ku dhaqan caasimada, waxaanay xukuumada ku dhiiri galiyeen inay fududayso gacana ka gaysato hawlaha dib u dhiska Hoyga dhaqanka ee Tiyaatarka.
Ugu danbeyntii waxa hadaladii laga soo jeediyey kulankaa soo gunaanaday wasiirka duulista iyo hawada Maxamud Xaashi Cabdi, waxaanu cadeeyey in siyaasada xukuumadiisu ay tahay in la ixtiraamo go’aamadii uu maamulkii ka horeeyey bilaabay fulintooda oo xukuumada hada jirtaa ay ixtiraamayso.
Waa inoo Qormada Tan Xigta¨
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden