|

“Dugsigii Haweenka ee Hargeysa waxaa Qaadatey Marwada Koowaad, Ee Dadka Xaafadda Axmed-Dhagax haka Dagaalamaan in la iibiyo Xerada Birjeex, Waayo……..?” Siyaasi Cabdi Haybe

Hargeysa 11. February,2016(SDN/QJ):– Wasiirkii hore Wasaaradda caafimaadka Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale Cabdi Haybe Maxamed, ayaa mar uu ka hadlaya xaflad xisbiga WADDANI ku soo dhawaynayeen siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan Iyo taagerayaashiisa waxa uu ka digay warar sheegaya in in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay qorshaynayso inay iibinayso dhismaha Xerada Ciidamada ee Bir-jeex.

Cabdi-Haybe.jpgCabdi Haybe isagoo arrimaha ka hadlayay, waxa uu yidhi “Sidaynu la socono waddanka dhibaatooyinka ka socda waynu wadda ogsoonnahay in dhulkii boob lagu hayo, guryihii dawladda, ilaa imika waxa la sheegaya in xeryihii ciidamada la iibinayo, saldhiga dhexe waa la iibinaya. Iibkan socda waa si aan meesha waxba loogu soo gaadhin ayay u muuqata. Birjeex xaafaddan Axmed Dhagax baa leh, marka in la iibiyo wax dhici kara maaha, xaafadda Axmed Dhagaxna waa inay ka dagaalantaa. Saldhiga dhexe Jirde Aw-cali baa lahaa oo hantidiisay ka mid ahayd oo isagaa dawladda siiyay marka haddii ay iib noqoto dee meesha reerkii lahaan jiray baa leh, Sheekh Bashiir baa la hadal hayaa oo wata iskuulka la iibinayo. Haweenku hargeysa waxay ku lahayeen iskuul la odhan jiray iskuulka haweenka kaana Marwaddaa qaadatay oo ku darsatay gurigii walaalkeed, dumarku saddex iskuul bay lahayeen, mid Boorama ah, mid Hargeysa ah iyo mid Burco ah, waxyaabaha socda wax lagu soo gaadhayo oo kulmiye waddankii wuu xaalufiyay, kulmiye maaha ee waa dulmiye. Xisbiga Waddani waa xisbiga kaliya ee maanta muuqda ee u naxaya waddanka weeyaan.” ayuu yidhi Cabdi Haybe

Comments are closed