|

Booliska Jabuuti oo sheegay in Xadka Somaliland u dhexeeyaa Cid gaara ka xidhan yahay DAAWO

Jabuuti 27.Feb 2015 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col: Cabdillaahi Cabdi Faarax, ayaa sheegay inaanu xidhnayn Xuduudka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Jabuuti, kaasoo toddobaadkii hore hakad la geliyey gaadiidkii iyo dadkii labada dhinac u kala gudbi jirtay. Hase-yeeshee, Taliyaha ayaa maanta sheegay inaanu xadku ka xidhnayn cid kasta oo doonaysa inay sifo sharci ah ku galaan gudaha waddanka Jabuuti.

Taliyaha Ciidanka Ammaakna Jamhuuriyadda Jabuuti Col. Cabdillaahi Cabdi Faarax, waxa uu ku dooday inaanu jirin xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti oo wakhtigan xidhan, hase-yeeshee ay jirto wada-shaqayn dhinaca ammaanka iyo adkayntiisa la xidhiidha oo ka dhexeeya Hay’adaha Ammaanka ee dawladaha Jabuuti iyo Somaliland, sidaa awgeedna xog ay ka heleen dhinaca Somaliland ay keentay adkaynta isu-socodka dhanka xadka oo ka xidhan guud ahaan cidda aan sharci haysan iyo cidda sharcigoodu kala dhiman yahay ee rabay inuu galo Jabuuti, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo sharci ah oo ay labada dawladood isla ogyihiin.

Waxa uu Col. Cabdillaahi Cabdi Faarax sidaas ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu Jimcihii maanta ku qabtay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasoo uu kaga hadlay arrimaha Xuduudka iyo xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya Hay’adaha Ammaanka iyo War-doonka ee dawladaha Somaliland iyo Jabuuti. Waxaana Warbixinta Warkiisa oo dhan aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa marar kala duwan xidhay Xadkeeda tan iyo markii Qaraxyadu ka dhaceen Caasimadda dalkaas ee Jabuuti badhtamihii sannadkii hore, kuwaasoo 15 qof oo Ajaanib ku jiraa ku dhinteen, isla markaana labaataneeyo kale ku dhaawacmeen, markaasoo baadhitaanno ka dib ay dawladda Jabuuti sheegtay in Nin iyo Gabadh Qaraxyadaas fuliyey muddo socdaal ku joogeen Hargeysa, ka dibna ka gudbeen Xadka ay Somaliland iyo Jabuuti wadaagaan, markii ay maalmo kooban gudaha Jabuuti ku sugnaayeenna ay Qaraxyada fuliyeen.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed