Delhi 10, April 2012 (Qurbejoog.com)- Budhcad-badeed Soomaali ah, ayaa afduubay Doon Imaaraadka Carabta laga leeyahay oo ay saarnaayeen 22 qof oo shaqaale ahi.
Siday ku warantay News24, Markabkaa waxa laga qafaashay biyaha dalka Cumaan, iyadoo 22-ka shaqaalaha ah ee la socdayna ay ku jiraan 17 la-haysteyaal ah oo u dhashay dalka Hindiya.
MV Royal Grace oo ka mid ah Maraakiibta Kiimikada qaada, waxa 2 March laga afduubay Cumaan, sida ay Isniintii baahiyeen CNN-IBN.
Afduubkan warka la xidhiidha waxa la sii daayay Isniintii, iyadoo aanay mulkiilayaasha markabku wax xog ah siinin qoysaska shaqaalaha saarnaa.
Ka sokow 17 India u dhashay, waxa shaqaalahaa ku jira 3 u dhashay Nigeria, mid u dhashay Pakistan, mid kale uu u dhashay dalka Bangladesh.
Qoysaska shaqaalahaa Hindida ah ee afduubani, waxay dacwad u gudbiyeen wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, si ay u helaan sii daynta shaqaalahaas.
Qurbejoog.com, New Delhi
editor@somalidiasporanews.com
