|

Burcad Badeed afduubtay markab Sri Lanka laga leeyahay

Muqdisho January 28, 2024 (QJ) -Kooxo burcad badeed Soomaali ah oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad badeed ayaa ku guuleystay in ay afduubtaan markab xamuul oo ka diiwaan gashan dalka Sri Lanka, waxaana la socday lix shaqaale ah. Dhacdadan ayaa noqonaysa weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaado maraakiibta badweynta Hindiya, sida ay sheegeen ciidamada badda ee caalamiga ah.
Afhayeen u hadlay ciidamada badda Sri Lanka, Gayan Wickramasuriya, ayaa sheegay in markabka Lorenzo Putha–4 lagu qabtay Sabtidii meel qiyaastii 840 mayl-badeed u jirta xeebta koonfureed ee Muqdisho.
Ciidamada badda ee caalamiga ah ayaa loo weeciyay dhanka waqooyi ee gacanka cadmeed ee badda cas si ay uga hortagaan weerarada Xuutiyiinta, taasi oo keentay cabsida laga qabo in burcad badeeda Soomaalida ay dib usoo nooleeyaan oo ay ka faa’ideystaan isbadalka dhacay.
Afduubkii markabka ka dib, Sri Lanka waxa ay si degdeg ah ciidamadeeda badda u daabushay biyaha woqooyiga ee badweynta Hindiya si ay ula dagaallamaan dhaqdhaqaaqyada burcad-badeedda, sida Wickramasuriya uu ku sharraxay hadal uu siiyay AFP.

Comments are closed