|

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhego hadlay Abiy Axmed

Rome January 29, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka Talyaaniga iyo Afrika ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha kobaca dhaqaalaha, faa’iidada guud ee iskaashiga caalamiga ah uu dalka iyo dunidaba u keeni karo.

Waxa uu sheegay in caqabadaha hortaagan dowladda Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in lagu dadaalayo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha la xiriira dowladnimada iyo daryeelka shacabka. Madaxweynaha ayaa xusay hindiseyaal gaar ah oo ay ka mid yihiin ku biirista bulshada Bariga Afrika, la dagaalanka burcad badeeda, iyo horumarinta barnaamijyada deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamiga ah uu ku xiran yahay in la ixtiraamo sharciga iyo mabaadi’da madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili xiisad siyaasadeed ay ka dhex aloosan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya taasoo ka dhalatay heshiis dhawaan dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Comments are closed