|

Soomaaliya iyo Baanka Aduunka oo ka wadahadalay horumarinta Maaliyada

Muqdisho January 28, 2024 (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cigeh ayaa Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan wax ku ool ah kula qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Krystina Svensson.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhaqaalaha iyo taageerada horumarineed ee Bangiga Adduunka uu siiyo dowladda Soomaaliya. Waxa kale oo ay ka hadashay arrimaha la xidhiidha hagaajinta maamulka maaliyadda iyo kobcinta guud ahaan nidaamka maamulka maaliyadda.
Waxaa sidoo kale doodahaasi lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed ee uu Bankiga Adduunka ka taageerayo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Bangiga Adduunka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adaha u xilsaaran fulinta mashaariicda.
Bangiga Adduunka wuxuu sii wadaa inuu gacan ka geysto taageerada maaliyadeed iyo mid farsamo labadaba Soomaaliya, isaga oo ujeedadiisu tahay in kor loo qaado horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta waxtarka hay’adaha dowladda.

Comments are closed