|

Burco oo farriin cad u dirtay Muuse Biixi maanta

Burco. 7 November, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa maanta oo Isniin ah si ballaadhan loogu soo dhaweeyay madaxda mucaaradka Somaliland gaar ahaan xisbiga Waddani.

Kumanaan ka mid ah shacabka Burco ayaa daanta bari ee magaalada kusoo dhaweeyay weftiga oo Caynaba kasoo baxay.

Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu mar kale ku celiyay in wixii ka danbeeya 13 November aanay aqoonsanayn Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa.

Caawa waxa ay madaxda Waddani kulamo wada tashi ah la leeyihiin shacabka Burco oo go’aanada 13 November qayb ka ah.

Dadka wax falanqeeya ayaa ku macneeyay soo dhawaynta Burco mid farriin loogu dirayo Muuse Biixi, isla markaana muujinaysa in heerka ay shacabku uga niyad jabeen xukuumadda Kulmiye.

Comments are closed