|

Bushaaro Baandey oo masuuliyiinta safaarada UK la wadaagtay xogta dhaqan xumo lagula kacay

Hargeysa May 24, 2023 (QJ) – Wefdi ka socda safaarada UK ee Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in ay xabsiga ku booqdeen Suxuufiyada Bushaaro Baandey oo heysata dhalashada dalkaa isla markaana xadhigeeda ismaandhaaf weyni ka taagan yahay.

Ilo wareedyo ka agdhow suxuufiyada ayaa noo sheegay in ay hawlwadeenadii booqday shalay ay la wadaagtay xogo aad uga nixiyay oo la xiriira dhacdooyin qabsaday mudadii ay ku jirtay gacanta sirdoonka reereysan ee madaxtooyada.

Suxuufiyada oo hore loo shaaciyay dhaawacyo ay meliisho beeleedka gacanta ku dhigay ay u geysteen mudadii ay gacantooda ku jirtay ayaan qaar haatan ka muuqan jirkeeda waanan sababta dublomaasiyiinta haatan loogu sii daayay.

Sidoo kale, suxuufiyada ayaa masuuliyiinta safaarada kula kulmay meel ka duwan kana hagaagsan halka caadiyan lagu hayo, si loo qariyo xaqiiqada halka lagu hayo oo aad u liidata.

Ilo wareedyada ayaa si dadban noogu sheegay in Suxuufiyadu ay masuuliyiinta safaarada la wadaagtay dhaqan xumo lagula kacay mudadadii haweeneydu ay ku jirtay gacanta Sirdoonka reereysan ee madaxtooyada.

Ilo wareedyo waa ay ka gaabsadeen in ay carabka ku dhuftaan waxa falalkaasi noqon kaaraan, waxaaney sheegidooda u daayeen dhibane Bushaaro Baandey.

Xariga iyo dhaqan xumada lagula kacay Bushaaro Baandey oo ka soo jeeda Bariga Burco ayaa la sheegay in uu kala qeybin ku keenay masuuliyiinta iyo taageerayaasha madaxtooyada Somaliland, mana cada halka xaal saldhigan doono.

Ma aha markii u horeysay ee ay Sirdoonka/ciidamada amniga ee reereysani ay sidan oo kale ula dhaqmaan Bushaaro Baandey iyo haween kale oo ay beegsadeen isla markaana ay la tegeen degaanadooda.

Waxa maanta Hargeysa laga filayaa in ay soo gaaraan hawlwadeenada safaarada UK ee Muqdisho oo iyaguna booqan doona suxuufiyada xidhan.

Comments are closed