|

Sharif Haji uu ku guuleystay kursiga Edmonton-Decore ee Alberta

Edmonton May 30, 2023 (QJ) – Edmonton-Decore waa degaan doorasho gobol oo ku taal magaalada Edmonton ee dalka Canada oo uu shalay ku guuleystay siyaasi Somali-Canadian ah.

Deegaanka waxaa doorashadii shalay dhacday ka hor waxa matalaaya Xildhibaanka Xisbiga Dimuqraadiga Cusub ee Alberta Chris Nielsen, oo markii ugu horreysay xilka qabtay 2015kii.

Nielsen waxa uu helay 8,789 cod, isaga oo ku guulaystay 47.54 boqolkiiba codadka doorashadii gobolka Alberta ee 2019.

Ka hor Doorashadan 2023, ma jiro qof xilka hayay, maadaama uu Nielsen uu ku guuldarreystay dib u magacaabista isla markaana Shariif Xaaji oo ahaa agaasimaha fulinta ee Xarunta Afrika uu musharaxnimada ku guuleystay.

Codbixintii doorashada ee gobolka Alberta ee dhacday May 29, 2023,  oo ay kutartameen Musharaxiinta kala ah United Conservative Sayid Ahmed UCP 4,289, Xisbiga Alberta: Brent Tyson AP 461, Liberal: Donald Slater LIB 227, ayaa waxa ku guuleystay Shariif Xaaji oo helay  5,136.

Shariif Xaaji waa  maareeyihii fulinta ee hore ee Xarunta Afrika, waxaana uu la soo shaqeeyay wasaaradaha waayeelka iyo guriyeynta, iyo caafimaadka.

Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay guddiyo kala duwan, waana aasaasihii ururka dhaqaalaha Kanada ee Afrikaanka (FACE), kaas oo siinaya helitaanka maalgashiga ganacsiyada madow ee Kanada.

Xaaji waxa uu noqonayaa ruuxii u horeeyay ee Somali-Canadian ah oo xilkan loo doorto gobolka Alberta ee Canada.

 

Comments are closed