|

Mareykanka oo duqeyn ku dilay shan Al Shabaab ah

Muqdisho August 15,2023 (QJ)-Howlgal militari oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa lagu beegsaday shir ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ka dhacayay gobolka Galgaduud, gaar ahaan duleedka magaalada Galcad.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka, ayaa lagu muujiyay in weerarka uu ka dhacay meel qiyaastii 35-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Galgaduud. Weerar cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkan ayaa ku sugnaa goob si sax ah loo beegsaday duqeymahaasi, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Inta badan duqeymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sii kordhayay oo lala beegsanayo fariisimaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana maalmihii lasoo dhaafay duqeymahaasi ay ka dhaceen deegaano hoostaga degmada Galhareeri oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee lagu wiiqayo awooda Al-Shabaab ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada ku xeeran.

Comments are closed