|

Buug laga qoray Xusuusta iyo taariikhda Odayga Somaliland: Xaaji Cabdi-Waraabe oo Hargeysa soo gaadhay‏

Waa guul inuu Hargeysa soo gaadhay diiwaankii aynu gu’yaalkay sugeynnay ee SAMO-TALIS: Taariikhda Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) . Dhiganahan waxa qoray Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), waana mid koobaya taariikhda Ummadda Somaliland laga soo bilaabo 1905 oouu Xaaji Cabdi dhashay iyo illaa sannadkan 2013 inta ugu shilis.

Dusha sare waxa kaga xardhan muuqaal ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xaaji Cabdi-Waraabe guddoonsiinaya shahaadada nabbada oo uu Macahadka Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysi uu Xaajiga ku maamuusay 2010-kii.

SAMO-TALIS-1Jaldiga dambe waxa ku xardhan weedho iyo kelmad-maamuus ay Xaajiga ka yidhaahdeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Marxuum Madaxweyne Cigaal, Madaxweyne Siilaanyo, Danjire Qaybe, Mujaahid C/Raxmaan-Tolwaa, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, Aqoonyahan Maxamed Siciid Gees, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, Suldaan Cumar Sul Maxamed Sul Faarax iyo Suldaan Maxamed XirsiQani..

Waa hubaal inuu xog badan xambaarsan yahay.. Nuxurkuna waa akhriska.. Hore u gaadh inta aanu kaa dhammaannin. Waxa aad ka helaysaa Redsea Online Book oo ku taalla Fooqa Oriyatanka Hargeysa iyo Star Super Market.

Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed (Dool)

ayaasiin55@hotmail.com

Comments are closed