|

Caaqil Sheegay In Wasiirka Madaxtooyadu Masaxayo Taariikhda Iyo Wax-Qabadka Wanaagsan Ee Madaxweyne Siilaanyo

Hargaysa 11. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaan maanta halkan mahad-naq weyn ugu dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah shaqsi qiime weyn ku leh dalkan iyo dadkan, kaasoo aanu maanta caruurtayadii la dhalatay  wadada cusub ee ceerigaabo aanu ugu magac darnay magaca Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Maanta waxaan doonaayey in aan halkan wax-badan ku sheego oo aan qaawiyo shaqsi xil ka haya xilalka ugu sareeya ee xukuumada (siilaanyo), laakiise, madamaadaama dublamaasiyada caalamku ku dhisan tahay inaan hadalka la qaawin, waxaan jeclaystay inaan halka ku yara iftiimiyo in wasiirka madaxtooyada mudane Maxamuud Xaashi uu dadaal badan galiyey sidii uu u masixi lahaa taariikhdii, dhaxalkii iyo raadkii fiicnaa ee uu ka tagi lahaa  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 

Waxa kale oo aan xusuusin lahaa Gudoomyiha xisbi xaakimka talada dadlka haya ee KULMIYE, ahna, musharaxa Madaxweynaha xisbigaas, Mudane Muuse Biixi Cabdi, inuu ka taxadiro Wasiirka madaxtooyada oo    qaldaloofyada iyo dibindaabyada qarsoodiga ah ee uu ka dhex-wado bulsho si mug-weyn leh ugu taageersanayd xisbiga KULMIYE iyo musharaxa madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi.

 

Gabagabadii waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa in aanu diyaar u nahay nahay, horana u hayn taageerayaasha xisbiga KULMIYE, balse, waxaan xasuusin lahaa musharaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE mudane, Muuse Biixi Cabdi in uu ka fiirsado, kana feejignaado raadkaa wanaagsan ee uu masaxaayo Wasiirkaas.

Caaqil. Maxamed Faarax Maxamuud

Comments are closed