Uncategorized

Diyaarado dagaal oo duqeeyay Jubbooyinka

Kudhaa Jan 06,2012(qurbejoog.com)- Duqeymahaani ayaa aroornimadii hore ee saakay waxa ay ka dhaceen deegaan Xeebeedka Kudhaa ee gobolka Jubbada hoose, waxaana la tilmaamay in diyaarado dagaal ay gantaalo la dhaceen deegaankaasi.

Dad ku sugan halkaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in diyaaradahaasi laga leeyahay dalka Kenya islamarkaaan ay dhowr gantaal ku garaaceen deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada hoose, waxaana la sheegay in ilaa dhowr guryo ay halkaasi ku baa be’een.

Tiro dad ah oo aan la cadeyn ayaa ku geeriyooday kuwa kalena way ku dhawacmeen kuwaasi oo ahaa sida la sheegay dad rayid ah, waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in duqeymahaasi ay qasaaro kasoo gaareen Ciidamada Al Shabaab ee Saldhigyadoodu la garaacay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Al Shabaab ee gobolka Jubbada hoose, waxaana si dhab loo cadeyn karin halka laga leeyahay diyaaradahaasi maadaama dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in diyaaradahaasi laga leeyahay dalka Kenya.

Duqeyntaani ayaa daba socotay duqeymo galinkii dambe shalay diyaarado miig ah ay ka gaysteen deegaan lagu magaaabay Kaalyaleey ee oo ku yaala gobolka Gedo.

 

Qurbejoog-Kudhaa

contact@somalidiasporanews.com