Hargaysa 22. August 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdi Kariin Xinif oo ah Agaasimaha Xisaabaadka ee Komiishanka la Dagaalanka Aids ee Somaliland kana Mid ah Saraakiisha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay Socdaal uu qayb ka ahaa oo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku soo mareen Gobolada bari ee Somaliland Gaar ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag.
Waxa uu Cabdi kariin Jawaab ka bixiyey dhaliilo ka dhashay hadal uu Jeediyey oo uga Yimid Xildhibaan Mubaarik Bidhi oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Magaaladda Burco
