Hargeysa Nov 19,2014(SDN/QJ)-Siyaasi Cabdi Maxamuud Saleebaam Mingiste ayaa ka hadalay xaalada Gollaha wakiilada iyo dooda labada xil ee uu isku hayo Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland Cabdirahman Cirro ayaa sheegay in loo bahan yahay in Gudoomiyuhu labada xil mid u haro.
Cabdi Mingiste ayaa mar uu waramay Jariirada Dawan waxa uu yiri “Marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheladda dadkii mudaharaadka shalay ku dhintay in uu Samir iyo iimaan ka siiyo, kuwi mudaharaadkaasi ku dhaawacmayna in uu illaahay caafimaad siiyo.
Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrin ay bulshadu aad ula yaaban tahay, taasi oo ah Guddoomiyaha golaha Wakiiladu waa guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani, gudoomiyaha golaha Wakiiladuna waa gudoomiyahaasi, markaa waxaa lala yaaban yahay, Isku milanka Cirro ee shaqadii golaha iyo tii xisbigiisa ayaa ah mid ay bulshadu aad ula yaaban tahay. Markaa Golihii Wakiiladu ma wuxuu isku bedelay xafiiskii xisbiga Waddani.
Gudoomiye Cirro mar waxa uu fadhiistaa xafiiska golaha wakiialda, marna waxa uu fadhiistaa xafiiska xisgiga Waddani. Cida shao uga baahata guddoomiye Cirro mar waxay ugu tagan xafiiska xisbiga Waddani marna xarunta golaha wakiiladda, taasi oo keentay jaho-wareer la kala garan waayo xisbigii iyo golihii wakiilada ee shacbigu soo doortay.
Waxa kale oo iyadna jirta Afhayeenka xisbiga wadani waa xildhibaan golaha wakiiladda ka tirsan. Dadka u ololeeya C/raxmaan Cirro waa xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda. Markaa Waxaa muhiim ah in xisbiga iyo golahan shacbigu soo doortay la kala saaro, c/raxmaan Cirrana waxaan kula talin lahaa in uu noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada ama guddoomiyaha xisbiga Waddani, waa in uu labadasi kala doortaa. Waxaanan anigu qabaa in goaha wakiiladu In uu yahay mid ay soo doorteen shaciga reer Somaliland muddo shan sano ah, laakiin may dooran in uu iska fadhiyo muddo toban sanadood ah. Mida kale golaha wakiiladu waa rukun ka mid ah rukumadda dawlad-nimadu ku taagan tahay, ee ma aha rukun ka mid ah xisbiyadda mucaaridka ah. Wixii golaha ka dhacay maalintii dhawayd waxay gaar u ahaayeen golaha wakiiladda ee shaqo kuma ay lahayn xukuumadu” ayuu yidhi Cabdi Saleebaan.
SDN/QJ-Hargeysa
