Galkacyo:Nov,19,2014(SDN/QJ)-Waxa Xalay Magaalada Galkacyo ee Badhtamaha Dalka Somalia lagu dilay Wariye Cabdirisaaq Silver oo u shaqaynayey Idaacadda Daljir iyo Tv-ga Horn Cable.
Dilka wariyahan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Kooxo Hubaysan oo aan ilaa iyo Haatan Haybtooda la garan, kuwaas oo goobta iskaga Baxsaday.
Weriyaha ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob makhaayad ah markii ay soo abbaareen laba qof oo dablay ah kuwaasi oo rasaas huwiyey.
Marxuumka ayaa lagu dilay meel aan sidaa oga fogeyn xarunta daljir oo ku taala xaafadda israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ahayd Goobtiisa shaqo.
Allah ha u naxariistee waxa Marxuum Silver ifka kaga tagay Xaas iyo labo carrur ah.
Magaalada Galkacyo ayaa noqotay Goobta soo labaysa Magaalada Muqdisho ee lagu laayo Wariyayaasha, waxana Haatan ka hor lagu laayey Tiro wariyayaal ah, kuwaas oo aan ilaa iyo haatan la sheegin cid loo qabtay dilkooda.
SDN/QJ
