Hargeysa:Nov,11,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Ku-xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cirro ku Eedeeyey inuu u heellan yahay sidii ay Doorashadu dib ugu dhici lahayd.
Mudane Saylici oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay xukuumaddiisu ku hawllan tahay tallaabooyin dib loogu dhigayo doorashooyinka dalka ka Muddaysan sanadka soo socda, ayaa arrintaas u leexiyey dhinaca Guddoomiye ciirro, waxana uu tilmaamay inuu muujiyey arrimo muujinaya in doorashada dib loo dhigo,
“‘Mucaaridku waxad mooda Nin juxa la odhan jiray oo sheekooyinka Carabidda ku badan ayaa Waxa la yidhi isagoo magaalo ku Socda ayaa la yidhi xagaad tegeysaa Markaasu yidhi dameer ayaan soo iibsanayaa markaasa lagu yidhi Icha alah dheh ninkii wuxu yidhi mar hadii lacagtaydii jeebka igu jirto dameerkuna suuqa joogo maxaan insha alah ka odhanayaa waxad muudo mucaaridku Insha alaahdii inay xitaa ka tageen oo waxay odhanayaan doorashada waqtigeedi ha la qabto iyagoon hadii ale yadhiba ku darin markaa anagu hadii ala yidhaahdo ayaanu ku darayna Haday xaga Alle ka suurto gashona anaku diyaarbaanu unahay” ayuu yidhi Saylici.
Madaxweyne Xigeenka Oo Ka hadlaya mawqifka cad ee Xukumadda iyo siday uga go’antahay in doorasho dalka ka Dhacdo, ayaa sheegay inay diyaariyeen dhammaanba wixii looga Baahnaa xukuumadda si dalka doorasho uga dhacdo, waxana uu yidhi.
“Anaga ka xukuumad ahaan wax nagu baaqi ahi ma jiraan ee dib udhaca waxa u sabab ah Gudomiyaha golaha Baarlamaanka oo musharaxna ah oo maalintii dhoweyd Golaha xidhay markii loo geeyay arinta komishanka shalay sabtidiina Dan gaar ah ka doortay ee yidhi Wiig baan ubaahanahay Berbera Burco iyo Ceerigaabo aan isu soo Maro ee fasaxa geliyay Isagoo xaq uleh in shir gudoonku Todoba casho dib udhigi karaan kalfadhiga kaasan leenahay ninka dib udhigaya doorashadu ee warwareejinayaa waa Gudoomiyaha Baarlamaanka islamarkaana musharax Madaxweyne Ah anakana Waxba nagu xidhna ee isagay la wada yaalaan Maanta Hasha geela cunta ee cabaada weeyaan cabdiraxmaan isagaana ugu qayla badan oo waa aragtaan oo leh doorasho ayaa dib loo dhigayaa waakan todobada cisho imankana luminaya ee Golihii xidhay.”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
