“Waxaan Aad Iyo Aad Ugu Faraxsanahay In Ay Rumowdo Himilada Wax Wadda Lahaanshaha Ee Ah In Qarankani Ka Guuro Qabyaalad” Hogaamiyaha Waddani DAAWO

Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X Xasan ayaa si ay ku dheehan tahay Xushmad u soo dhaweeyay siyaasiyiin Magac shacabka somaliland waxaanu sheegay Hogaamiye Xirsi Cali Xasan in uu si Niyad ah ugu faraxsan yahay….. https://www.youtube.com/watch?v=aOCsFpeNglY

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibedda Oo Hoos U Dhaca Adeegyada Dekedda Berbera Ku Dhaliilay Maamulka Shirkadda DP World & Fariin uu u Diray Siyaasiyiinta Somaliland ee Xilalka u Doonta Muqdisho DAAWO

Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Hoos u dhaca laga dareemayo Dekedda Magaalada Berbera tan iyo markii ay Maamulkeeda la wareegtay Shirkadda DP World. Wasiir Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in Adeegyada Dekedda Berbera si wanaagsan u socdaan, laakiin…

Read More

Kacdoonada Itoobiya Ka Jira oo Sababay in Suuqyada Somaliland uu Ku Yaraado Qaadku & Dareenka Magaaladda Boorama DAAWO

Boorama 25. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Gobolada ay degto Qoomiyada Oromada ee Dalka Itoobiya lagu soo rogay Bando Maadaama Dawlada Itoobiya ay ka baqatay Mudaharaadyo Xoogan,waxaana la Joojiyey Gaadiidkii Goboladaas tegayay iyo Kuwii ka soo baxayay amuurtan ayaa Sababtay inuu Joogsado Qaadkii ka imanayay Goboladaasi. Waxaa Suuqyada qaar ka mid ah Magaalooyinka Somaliland laga waayay…

Read More

Qul-Qulka Biyaha Dooxa Hargeysa Oo Halkii Ugu Sareysay Maraya,Qorshe La’aanta Xukuumadda Iyo Cabashada Ka Taagan Biyo Yarida  Magaalooyinka Somaliland DAAWO

Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa habeenadii ugu danbeeyay waxaa uu u soo rogmaday oo ay biyuhu u soconayeen si xawliya, waxaanay inta badan uu dooxu ka soo rogmanayay roobab ka da’ay galbeedka magaalada Hargeysa. Shacabka ku dhaqan gobolada Somaliland ayaa inta badan ka cawda biyo yaraan mana jirto wax…

Read More

“Laba Sababood Ayey Mas’uuliyiinta Waddani Idiin Cayaan Reer Kulmiyow, Waxaynu Nahay Xisbiga Ugu Awooda Weyn Somaliland. Wax aan nala fac aheyn innaanu u-jawaabno.” Mahamed Kaahin Ahmed  Gudoomiye Ku Xigenka Kulmiye DAAWO

Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa Sheegay in Xisbiga Kulmiye ay waajib tahay in Cid aan la da’a ahayn inuu u Jawaabo isagoo Sidaa u Duur xulaya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Waxa uu Gudoomiye Ku xigeenka Kowaad ee Xisbiga…

Read More

Maayarka Boorama Oo Cadeeyay In Badhasaabka Gobolka Awdal U Soo Qoray Warqad Uu Kaga Dalbanayo In La Iibiyo Dhul Dan-guud Ah & Qaylada Xildhibaanada DAAWO

Boorama 25. August 2017 (SDN/QJ):- Khilaaf culus ayaa soo kala dhex galay Guddoomiyaha Gobolka AWDAL Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Maayarka Magaalada Boorama oo ay wehelinayaan Xildhibaannada Golaha Deegaanku. Khilaafkan ayaa soo shaac-baxay, ka dib markii Maayarka Iyo Xildhibaanno ka mid ah Golaha deegaanka Boorama ay Badhasaabka Gobolka AWDAL ku eedeeyeen inuu doonayo in la…

Read More

Wasiirka Waxbarashadda Somaliland oo soo Gunaanaday Shir laba Cisho Socday oo Lagaga Hadlayay Mashaariicda Waxbarashadda Somaliland DAAWO

Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane C.laahi Ibraahin Habane oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda ayaa soo gabo gabeeyay Shir hawleed Mudo laba Cisho ah u Socday Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Hay’adaha Wada shaqayntu ka dhaxayso.

Read More

Cali Guray oo Ku Tilmaamay Siyaasiga Qunyar Socodka ah ee Axmed Jaanbiir Suldaan inuu Yahay Dhengada Mucaarid Iyo Muxaafidba ay la Dhacaan Muuse Biixi

Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):-Muj.Cali Guray Oo Ka Mid ah Siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay hormo siyaasiyiin ah oo shalay si rasmi ah ugu biiray xisbiga Waddani waxaanu si khaas ah uga hadlay raadkii siyaasadeed ee ay isla soo mareen Axmed Jaambiir Suldaan iyo Musharaxa kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaana qoraal kooban uu soo…

Read More

Maamulka Dawladda Hoose ee Hargaysa oo Daboolka Ka Qaaday inay Mushahaarada u Kordhiyeen Shaqaalaha Dekhli soo saarka

Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa mushaharkii u kordhisay shaqaalaha ka hawlgala qaybta dakhli soo-saarka ama cashuuraha, sidaasna waxa Sheegay Xoghayaha Fulinta D/Hoose ee caasimadda, Cali Xasan Cawaalle. Xoghaye Cali Xasan, waxa uu sheegay in shaqaalaha ka hawlgala cashuuraha Dawladda Hoose ay maamulka degmaddu u labba-laabeen mushaharooyinkoodii bishii la soo dhaafay….

Read More

Nin Daqiiqadihii Ugu Dambeeyey Ka Badbaaday Xukun Dil Ah Oo Lagu Fulin Lahaa

Missouri 25. August 2017 (SDN/QJ):- Governatooraha gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa baajiyay xukun dil ah oo nin lagu fulin lahaa, wuxuuna magacaabay guddi baaritaan ku sameeya xukunkii lagu riday. Amarkan ayaa soo baxay saacado yar ka hor markii dilka lagu fulin lahaa Marcellus Williams, oo 48 jir ah kaasoo lagu helay inuu dilay haweeney…

Read More

Delhi: Maxkamadda Sare ee Hindiya oo Go’aan Ka Gaadhay Xuquuqda Xogta Muwaaddiniinta Dalkaas

Delhi 25. August 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda sare ee Hindiya (India), ayaa xukuntay in Muwaaddiniinta dalkaasi yeeshaan Xuquuq aasaasi ah oo la xidhiidha Asturnaanta Xogtooda iyo Shaqsiyaddooda, Xukunkaas oo ah mid Taariikhi ah. Xaakinnadu waxay xukeen in xaqa asturnaanta xogta iyo shaqsiyaddu uu qayb muhiim ah ka yahay qodobka 21-aad ee Dastuurka India oo ilaalinaya nolosha…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka oo Jaray  Dhaqaalihii uu Ku Caawin Jiray Dalka Masar & Sababta keentay

Washington 25. August 2017 (SDN/QJ):- Xiriirka Mareykanka iyo Masar, oo horumaray kadib doorashadii madaxweyne Donald Trump, ayaa u muuqday inuu dib u xumaaday, kadib markii dowladda Mareykanka ay jartay qeybo ka mid ah gargaarkii Masar la siin jiray, sababo la xiriira xadgudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah. Dowladda Mareykanka ayaa boqol milyan oo dollar ka dhintay…

Read More